Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah dowladda Ukraine

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa amar buuxa ku bixiyay in la hakiyo gargaarkii milatari ee dowladda Mareykanka siin jirtay dowladda Ukraine, oo dagaal adag kula jirta ciidanka Ruushka ee kusoo duulay dalkooda.

Sargaal sare oo katirsan maamulka Trump ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in la joojiyay kaalmadii milatari ee siin jireen dowladda Ukraine, ilaa Xukuumadda Ukraine ka aqbaleyso wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka dhiigga badan ku daatay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay in  kaalmada militari ee Mareykanka ka joojiyay Ukraine ay ku jiraan ; rasaasta, nidaamyada radarka, dhimista wadaagga sirdoonka iyo joojinta barnaamijyada tababarka ciidamada Ukraine oo ay ku jiraan duuliyayaasha loo tababarayay Ukraine.

Go’aankan uu gaaray Madaxweyne Trump ayaa niyad jab badan ku abuuri doona dowladda Ukraine iyo ciidankeeda, Mareykanka ayaana kamid ahaa dowladaha sida weyn u taageersanaa Ukraine siina jirtay kaalmo badan oo milatri iyo mid gargaar.

Amarka Trump ku hakiyay kaalmada Ukriane siin jireen ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, sidoo kale Madaxweynaha Ukraine lagu amray in Aqalka Cad isaga baxo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo dalka kusoo laabtay si weyna loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo Ka Been-sheegayo Diyaar-garowga Soomaaliya ee Xubinnimada Golaha Ammaanka!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---