Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo si jees jees ah ula hadlay Hoggaamiyaasha Yurub

Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump wuxuu ku sheegay qoraal uu baahiyay inuusan fahmin sida ay u shaqeynayaan reer Yurub, mana ka muuqato sida u sheegay ‘ragganimada uu ka filayay’! isagoo ka falcelinaya shirkii London ee hoggaamiyayaasha Yurub ay ku soo bandhigeen ballanqaadkooda inay taageerrayaan Ukraine.

Halkan waxaa ah wax kasta oo dhacay labadii toddobaad ee u dambeysay;

Dunidda waxay aragtay toddobaad kulul , wax walba oo soo muuqdayna waxay ka fogaayeen qiyaasaha, waxaan aragnay Mareykanka oo ka tagaya Yurub , una socda dhinaca Ruushka , halka reer Yurub ay iskudayayaan inay isku soo bandhigaan kuwa naf ku dambeyso, haddii xataa Mareykanka ka soo horjeestay! Isbeddelkana waxaa la yimid Trump oo ka saaray reer Yurub qorshaha nabadeynta Ukraine , isagoo qaadaya tallaabooyin ay ka maqanyihiin oo uu ku dhisayo xiriirka iyo kalsoonida Ruushka, taa oo ku noqotay reer Yurub qaadan-waa aysan horey u arag!

Hagaag, aan ku billaabo ; Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta ku laabtay Kyiv ka dib seddex maalmood oo ugu adkaa dhinaciisa – taasoo ka billaabatay isaga oo lagu amray inuu ka baxo Aqalka Cad , kaddib dood adag oo aqalka cad kula yeeshay Donald Trump iyo ku-xigeenkiiaa JD Vance.

Waji-gabaxaa wuxuuu ku dhaliyay inuu u dhoofo London , oo uu ka helay soo dhawayn diirran dabayaaqadii toddobaadkii hore, halkaas oo uu ra’iisal wasaaraha Ingiriiska kaga hortagay bannaanka Downing Street, waxa uu booqday Boqorka, waxaana uu taageero xooggan ka helay hoggaamiyeyaasha Yurub shir-madaxeedkii Axaddii – taas oo ka duwan muuqaallada xafiiska Oval Office! Kaddib shirkii London; Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska , Keir Starmer wuxuu soo jeediyay hoggaamiyeyaasha Yurub inay samayn doonaan “isbahaysi” si ay u difaacaan Ukraine – laakiin faahfaahinta cidda qeyb ka noqonaysa ma uusan sheegin, markaa wuxuu caddeeyay in fikradda ah in ciidamo reer Yurub ah oo kuwa Ingiriiska ay ku jiraan loo diro Ukraine – oo bixinaya sidoo kale taageerro dhul iyo cir ah – ay soo dhaweeyeen dalal badan oo reer Yurub ah! Wuxuu intaa ku daray inuu Ingiriiska malaayiin doollar deymin doono Ukraine , si uu u xoojiyo taageerrada Ingiriiska uu la dhinac taaganyahay Ukraine , waxaa kalo uu tilmaamay nidaamka difaaca Ukraine inay ku bixin doonaan malaayiin doollar, dhammaanse qorshayaasha reer Yurub , wuxuu ku sheegay inay u baahanyihiin Mareykanka inuu taageerro oo uu ku raaco!

Waddamada Scandinavian-ka ayaa horey u muujiyay inay u furan yihiin fikradda uu soo bandhigay Ingiriiska ee ciidamo loogu dirayo Ukraine! Ra’iisul wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso soo jeedinta, halka Ra’iisul wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson uu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu siiyo Ukraine dammaanad amni – haddii ay taageero ka helaan Maraykanka!

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga , Giorgia Meloni oo ah qofka xiriirka ugu wanaagsan la leh Trump , marka laga hadlayo hoggaamiyeyaasha Yurub ee London ku shiray , waxay caddeysay inay door bideyso ka hor inta aan laga hadlin ciidamo loo dirayo Ukraine in la qabto shir uu Mareykanka qeyb ka yahay!

Poland – oo muddo dheer ka mid ahayd taageerayaasha ugu codka dheer ee Kyiv – ayaa mar hore meesha ka saartay inay ciidamo u dirayaan Ukraine , taa beddel keeda waxay ballanqaadeen inay bixin doonaan marinka saadka oo hadaba ah halka ay marto taageerrada reer galbeedka ee Ukraine.

Hoggaamiyayaasha Yurub waxay hadda heli doonaan maalmo yar oo ay ku milicsadaan xaaladihii ugu dambeeyay ka hor inta aysan mar kale ku kulmin khamiista magaalada Brussels — kulan gaar ah oo ku saabsan difaaca, kaasoo madaxa guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ay ku soo bandhigi doonto waxa ay ugu yeertay “qorshe dhamaystiran oo ku saabsan sidii dib loogu soo celin lahaa awoodda Yurub”.

Wargeyska Faransiiska ah ee Le Figaro ayaa xalay sheegay in madaxweyne Emmanuel Macron iyo Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Starmer ay soo jeediyeen xabbad joojin suurtagal ah oo hal bil ah oo dhex marta Ruushka iyo Ukraine,oo ay xigto qorshaha xabbad-joojinta dhammeystiran, balse taasi waxay waqti hore soo muujisay mid aan suragal ahayn!

Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelensky ayaa kulanka London, markii uu soo dhammaaday wuxuu billaabay qoraallo taxane ah , isagoo ku celiyay inuu diyaar u yahay heshiiska macdanta uu doonayo Mareykanka inuu saxiixo ; intaa wuxuu ku daray inaysan Ukraine ka maarmin Mareykanka oo uu filanayo in Mareykanka uu soo istaago dhinaca Ukraine!

Waakan Trump ;

Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump wuxuu soo bandhigay ogeysiis uu Yurub iyo dunidda ugu sheegayo in Mareykanka uusan ahayn ‘midkii ay garanayeen reer Yurub iyo Ukraine , isagoo markaa ku celiyay inuusan mar dambe Mareykanka qeyb ka noqon doonin dagaal — dhaqaale dambena ku bixin doonin dagaalka Ukraine, xilligaana uu dhibsanayo hadallada ka soo baxaya Zelensky iyo go’aamada shirka London, isagoo ka hadlaya wuxuu yiri ; “Warka ka soo yeeray Zelensky waa war kii ugu liitay! Mareykanka uma dulqaadan doonto waxaas oo kale mar dambe! Mar hore ayaan sheegay ninkaan nabad ma rabo inta Mareykan iyo Yurub taageerradooda uu arkayo.”

Trump , intaa kuma aamusin oo wax naxariis ah isagoon u muujinayn , wuxuu doqomo aan karti lahayn oo uu la yaabay sida u fakarayaan ku sheegay reer Yurub ; “Hadda shirkoodii Yurub ugu soo dhammaaday London; waxay yiraahdeen waxba ma tari karno Mareykanka la’aantii… bal waxaas arag, ma ahayn war muujinaya raganimo iyo awood Ruush lala hortagi karo! Sideebay u fikirayaan!

Mar kale Trump , wuxuu baahiyay in ‘war weyn la fisho’ , halka waxyar ka hor uu baahiyay wargeyska New York Times inuu Trump la kulmi doona caawa la-taliyayaashiisa ugu sarreeya ee amniga oo ay ku jiraan xoghayaha arrimaha dibadda, Marco Rubio iyo xoghayaha difaaca, Pete Hegseth, si ay uga wada hadlaan “tallaabooyinka soo socda” ee ku saabsan Ukraine, taas oo ku lug yeelan karta joojinta ama baabi’inta wax kasta oo dheeraad ah oo ka mid ah gargaarka milatari ee Maraykanka uu siiyo Ukraine oo ay ku jiraan dhowr shixnad hub ah oo horay loo ansixiyay.”

Falcelinta Ruushka ee xaaladan;

Inkastoo Vladimir Putin uusan weli si rasmi ah uga hadlin kulanka Washington iyo shirkii ay London ku yeesheen hoggaamiyayaasha Yurub; afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, Maria Zakharova ayaa sheegtay inay Ukraine la kulantay toddobaadkan ahaa “fashil diblomaasiyadeed oo dhameystiran.”

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka Ruushka , Dmitry Peskov ayaa isaguna maanta dhaleeceyn u jeediyay shirka London ee reer Yurub ku taageerreen Ukraine; “Waxaa halkaas laga soo saaray hadallo ku saabsan baahida loo qabo in si degdeg ah loo kordhiyo maalgelinta Ukraine, tani sida cad kama mid aha qorshe nabadeed…laakiin waxaa loo sameeyaa si loo sii wado dagaalka.”

Ruushka ma aha midka uu waqtiga ku socdo, cidda cadaadiska ku jirta waa reer Yurub ; Moscow waxay sheeda ka eeganaysa — waxa ka dhex dhacaya reer Yurub iyo Mareykanka. Nuxurku waa inuu Ruushka oranayo; Reer galbeed , idinku wax isku soo raaca..!

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hanjabaadyo hawada loo mariyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay Shiikh Shariif iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta

Caydiid Ali

Dowlada Britain oo Malaayiin Dollar ku maalgalineysa Dekad kutaala Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---