Allbanaadir.com
NEWS

Birhanu Jula: ” Wax yar ayaa nooga haray inaan gaarno Badda”

Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya General Birhanu Jula, ayaa sheegay in wakhti yar ay ka harsan tahay, in dalkiisu ku soo biiro dalalka Badda Cas wax ku leh, isagoo intaa ku daray inuu rajaynayo in si nabad ah lagu gaaro.

Arintan ayaa tilmaan xoogan u noqon karta in heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya uu yahay heshiiska kaliya ee lagu gorgortamayo, inkastoo xukuumada Soomaaliya ee Muqdisho ay ku andacoonayso inuu buray heshiiskaasi.

“Wakhtigey doontaba ha qaadatee marinka Badda cas waan gaaraynaa.Waxaan rajaynayaa inaan wado Nabad ah ku gaarno.” ayuu yiri Berhanu Julla

Waxaa uu sheegay in cadow dibeda ka yimaada uusan guul ka gaareynin Itoobiya

“Taariikhdeena waxay na baraysa marka cadaw dibada yimaado inaan hal meella uga jeedsano oo aan midawno.Annaga Itoobiyan ahaan marka la dhaho way jilceen ayaan xoogaysanaa, marka waa laga guulaystay ay dhahaana guullo ayaan lasoo hooyanaa.Kuwa caado qaatayaasha  iyo shisheeye kal-kaalka waxaan leeyahay karaamadiina ha seegina majirto cid Itoobiya ka guullaysan karta.” ayuu yiri taliyaha.

Berhanu Julla ayaa dhaleeceeyey mucaaradka hubeysan ee la dagaalamaya dowlada Itoobiya gaar ahaan gobolka axmaarada

“Hada Kooxaha gudaha markay ku fashilmeen inay si foolka foolka Milatariga uga hor yimaadan, waxay bilaabeen inay dayaacado fidiyaan.Waxay isku dayaan inay abbuuran riwaayado ay sameeyen oo Ciidanka lagu kala qaybinayo.Laakin waxaas oo dhan uma hirgalin maadama Ciidanku yihiin kuwo cidwalba qayb ka tahay, Ciidanku kooxaha Nabadiidka gudaha ee dacaayada la warreega kuma mashquulsana, wuxuu xoogga saarayaa dhismaha Ciidanka iyo tayayntiisa. Waxaan u diyaar garoobaynaa Cadawga dibada” ayuu yiri taliyaha oo cadowga dibedda ula jeeda Eritreya oo haatan xiisad colaadeed ay kala dhexeyso Itoobiya.

Related posts

Cabdi Xaashi oo saddex arrin ku amaanay shacabka Somaliland

Caydiid Ali

Jen. Gaafow oo ku guuleystay doorashadii Xildhibaanimo ee ka dhacday Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo ka carrootay hadal ka dhan ah Madaxweyne Ruto oo kasoo yeeray Aamina Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---