Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Daacish.
Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xagga laamiga ku qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasoo jeebabkooda laga helay rasaas iyo astaamo kale oo muujinaya inay ka tirsan yihiin dagaallamayaasha Daacish.
Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xafiiska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayuu ku sheegay in baaritaan ku socdo ajaanibta lagu qabtay dooxada teedsan Uur-caleed, isla markaana jeebabkooda laga helay rasaasta iyo agabka kale ee ciidan.
“Ciidanku waxay qabteen Saddex Ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.