Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay madax sare oo ka socotay Hay’adda IOM Mr. Manuel Marques Pereira iyo wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Ms Murima (ku-xigeenka), Ayan Xasan Rabi (Madaxa Hay’adda IOM Somaliland) iyo Maxammed Cumar Iidaan (Sarkaal xagga Amniga).
Ugu horrayn, Madaxweynaha Somaliland waxa uu soo dhaweeyey weftiga isla markaana uu uga mahad naqay muddada dheer ee ay ka shaqaynayeen Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay si dhaw oo wax-tar iyo iskaashi leh ula shaqayso dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, iyagoo kala shaqayn doona arrimaha mudnaanta u leh Qaranka Somaliland.
Madaxa Hay’adda IOM Mr. Marques Pereira, waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada ee ka dhacay dalka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland.
Madaxa Hay’adda IOM waxa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin la shaqaynta Xukuumadda cusub, gaar ahaan Wasaaradaha ay la leeyihiin wada shaqaynta tooska ah, sida: Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib-u-dejinta, Caddaalada iyo Caafimaadka, Taliska Laanta Socdaalka, iwm.
Kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta si wax looga qabto caqabadaha xagga socdaalka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha Bini’aadannimada ee u baahan in wax laga qabto.
𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚:
* Maaraynta qulqulka socdaalka iyo ilaalinta dadka nugul.
* Isku-dubbaridka taageerada barakacayaasha iyo bulshooyinka ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.
* La dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo hubinta ilaalinta shakhsiyaadka khatarta ku jira.
* Ka faa’iidaysiga iyo kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bulshada Qurba-Jooga ah
Labada dhinac waxa ay xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay iskaashi muddo dheer ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo xasilloonida, daryeelka bini’aadantinimo, iyo horumar waara ee Somaliland.