Kooxda Al shabaab ayaa Saaka Dagaal aad u culus oo aan waxba la isku reeban ku soo qaaday deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Sh/dhexe oo shalay laga saaray
Al-Shabaab ayaa Lix jeer oo isku xigta soo qaaday dagaal la isku riiqmay oo dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay iyadoo wararku sheegayan in Al Shabaab ay u suura gali waysay inay qabsadaan degaanka Ceel Cali Axmed.
Ciidamada NISA oo kaashanaya kuwa ka soo gurmaday Galmudug ayaa shalay la wareegay amniga Deegaanka Ceel Cali Axmed Dagaalka maantay ayaa ahaa mid aad u qaraar oo Ciidamada NISA iyo kuwa Galmudug diideen inay al shabaab si fudud kula wareegaan degaankaan oo muhiim u ah Difaaca Degmada Aadan yabaal.
Waa dagaalkii labaad ee maantay kaliya Al shabaab ku qaadaan Gobalka Shabeelada Dhexe waxay sidoo kale weerareen degaan lagu magacaabo Boos hareeri kaasoo dagaal ka dhacay kadib Al shabaab dib loogu celiyay halkii ay ka yimaadeen iyadoo degaankan uu hoostago degmada Aadan yabaal.
Waxaa xusid mudan in Taliyaha ciidanka XDS Odawaa Yusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col Shuute iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ay ku sugan yihiin Furimaha Dagaalka Gobalka shabeelada dhexe ayna doonayaan inay Al Shabaab ka saaraan gobolkaas.