Hay’adda Gargaarka Mareykanka ee USAID ayaa lagu eedeeyay in ay taageero siin jirtay kooxaha Al-shabaab & Daacish ee Soomaaliya iyo ururo kale oo ka dagaallama Afganistan iyo Falastiin.
Laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka; Tim Burchett iyo Marjoriya Taylor Greene ayaa sheegay in USAID ay todobaad walba kooxahaasi u diri jirtay lacag loogu tala-galay gargaarka oo qiyaas ahaan dhan 2.1 Milyan oo doollar; iyada oo taasi ay ku sheegeen in ay tahay qiyaano ay hay’addu ku sameysay dowladda Mareykanka.
Heyadda ayaa lacagtaas u bixin jirtay si al shabaab aysan caqabad ugu noqon gargaarka la gaarsiinayo degaanada hoos taga maamulkeeda.
Ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya in Hay’adda USAID ay si toos ah taageero ugu fidisay ururrada Al-shabaab, Daliban iyo Al-qaacidda, marka laga reebo hadalka ay sheegeen labada xildhibaan ee Tim Burchett iyo Marjoriya Taylor Greene.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore shaqada ka joojiyay hay’adda USAID, isagoo si cad u muujiyay in uu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa ku dhisan “America First”
Waxaa uu sheegay in heyadaas ay bixin jirtay malaayiin Dolar oo Mareykanka aysan wax dan ah ugu jirinm waxaana haatan joogsaday dhamaan gargaarkii ay bixin jirtay heyaddaas.