Allbanaadir.com
NEWS

Firdhiye oo dhagax dhigay Mashruuc ay DF maalgelineyso

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa xabsi cusub ka dhagax dhigay dhanka Koonfur bari magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Maadaama uu Xabsigii hore magaalada dhexdeeda noqday waxaa lagama maarmaan noqotay in xabsigii magaalada laga dhex saaro sidoo kalena la ballaariyo sida uu sheegay hogaamiyaha SSC

Xabsigan oo loo dhisi doono si casri ah ayaa waxaa maalgalinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa Raisal wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyey taagaeeradooda, sidoo kalena ugu baaqay in ay soo gaarsiiyaan maamulka SSC-Khaatumo mashaariicda horumarineed ee dhiman.

Dowlada Somalia ayaa aqoonsi ku meel gaar ah siisay Maamulka SSC khaatumo oo ka dhisan gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn qeybo ka mid ah, waxaana degaanaadaas sheegta Maamulka Somaliland oo dagaal looga saaray.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Dowlada Imaaraadka oo balan qaadyo Muhiim ah u sameesay Puntland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Kalaay “Shacabka Marna ma aqbalayaan caburin iyo caga juglayn” (Daawo Video)

admin
Taboola Ads ---