Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo ka dooday xanibida & Safarada Xildhibanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa sedaxaad oo lagu sii amba qaaday dood la xiriirtay soo jeedinta Xildhibaano ka tirsan Golaha taasoo ku saabsaneyd ilaalinta xasaanadda iyo safarada Xildhibaanadda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu gaba gabada dooda sheegay in dooda arintan la xiriirta oo soo bilaabatay kulankii kan ka horeeyay maanta la soo gaba gabeeyay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Daawada oo ay soo diyaarisay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedkan mudanayaasha Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo faahfaahin ka bixiyay qodobada hindise sharciyeedkan uu ka koobanyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha Shacabka hindise sharciyeedka marka uu marayo akhrinta koowaad uusan wax dood ah ka furneyn lagu wareejinayo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad islamarkaana Golaha dib ugu soo celiyo si looga doodo.

Related posts

Isbedel kooban oo lagu sameeyay Guddiga soo xulaya Ergada dooraneysa kursiga HOP058

Cabdi Cade

Maxay tahay Malaayiinta Dollar ee la siiyey dowlada Soomaaliya ka dib deyntii laga cafiyey?

Caydiid Ali

Dhibaato Xoogan oo ka taagan Wado muhiim ah oo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---