Allbanaadir.com
NEWS

Nin mindi ku hubeysan oo dil iyo dhaawac u geestay dad Israa’iiliyiin ah

Nin muslim hubeysan, ayaa weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geestay magaalada Haifa ee dhulka Israa’iil xooga ku heesato.

Ugu yaraan hal qof oo Israa’iil ah, ayaa lagu dilay weerarkan oo mindi loo adeegsaday, halka afar qof oo kalana lagu dhaawacay, waxaana goobta weerarka ka dhacay kala carar.

Ciidanka ammaanka Israa’iil ayaa toogasho ku dilay ninka fuliyay weerarka mindida loo adeegsaday, waxa ayna ciidamada wadaan howlgallo baaritaano ah ku aadan weerarkan iyo ninka fuliyay.

Weerarka ayaa la sheegay in uu fuliyay Nin ka soo jeeda bulshada Druze ee heysta jinsiyada Israa’iil, kuwaasoo loo aqoonsanyahay Carab ku hadasha af carabi oo dhex deggan dhulka ay Israa’iil xoogga ku heysato.

Related posts

Nin Khabiir ku ahaa Qaraxyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Muqdisho oo loo sameenayo biyo mareeno si toos ah biyaha Roobka ugu shubaya Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo mar kale Villa Somalia kulan ku yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---