Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo bixiyay baabuur iyo abaalmarino kale (Sawirro)

Madaxweynaha  jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa abaalmarino kala duwan ku wareejiyay ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka, Kadib munaasabad ka dhacday hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.

Munaasabada guddoonsiinta abaalmarinta arday ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha  Jubbaland, labada golle ee Jubbaland, culimaa’udiin, Odayaasha Dhaqanka, Macalimiin, Waalidiin, arday, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waalidiinta iyo macalimiinta ardayda ku bogaadiyay fadaalkooda ku aadan doo saarida arday xufaad ah oo wax tar u leh bulshada.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa noqday arday kaalinta 1aad u galay ardayda ku tartameysay 30-ka Juz ee Qur’aanka asagoo Madaxweynaha uu abaalmarin ahaan u siiyay Gaari.

Halka Kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee tartanayaasha 30-ka Juz ayagana Madaxweynaha ku abaalmariyay gawaari

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam, ayaa si gaar ah gaari u gudoonsiiyay gabar kamid aheed tartamayaasha ka socday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Related posts

Khilaaf xooggan oo mar kale soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

Puntland oo Eedeyn culus u jeedisay Dowlada fedeeraalka Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir Abshir Cumar oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Serbia (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---