Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Ciidamada Somaliland oo maanta xukun dil ah riday

Maxkamada Sarre ee ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka oo Isniin ah xukun ku riday dhammaan eedaysanayaashii qeybta ka ahaa  dil labo bilood kahor magaalada Gailay loogu geestay  Marxuum Buux Mawliid Ismaciil .

Saalax Isaaq oo lagu helay in uu geestay dilka marxuum Buux Mawliid Ismaaciil ayaa Maxkamadda Sare ee ciidamada Somaliland ku riday xukun dil ah, kaddib markii maxkamaddi ku heshay in dilkaasi uu u geestay si bareer ah.

Maxkamada Sare ee ciidamada Somaliland,  ayaa xukuno u kala dhaxeeya  xukunno xabsi ciidan ah oo u dhaxeeya 12 sano ilaa hal sano ku kala riday lix eedeysane kale oo lagu helay in kiiskan ku lug lahaayeen, waxa ayna maxkamadda xurriyadiisa dib ugu celisay hal eedeysane oo kale.

Ehelada marxuumka horey loo dilay ee Buux Mawliid oo ahaa sargaal ciidan ayaa soo dhaweeyay xukunnadan ay maxkamadda maanta riday, waxa ayna sheegeen in ay sugayaan in xukunka maxkamadda la fuliyo lana toogto ninka gacankudhiiglaha ahaa ee dilka geestay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo sheegtay in Israel ay caqabad ku noqotay sii deynta Maxaabiis cusub

Caydiid Ali

Dowladda Dhaxe ee Itoobiya oo War kasoo saartay dagaalkii Al Shabaab iyo Liyuu Booliis

Cabdi Cade

Faah Faahin :-Qaraxii Xalay ka dhacay Muqdiyo & Kheyre oo is hortaag ku sameeyay Hirshabelle & Kenya oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---