Allbanaadir.com
NEWS

Warqado sir ah oo laga helay Daacish oo shaki badan abuuray

Ciidamada difaaca maamulka Puntland , ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda argagaxisada ah ee Daacish, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno iyo talisyo badan oo kooxdaasi kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Goobaha laga saaray kooxda Daacish ayaa laga helay agabyo kala duwan oo ay kooxda ka cararareen sida hub, gaadiid , mootooyin iyo sidoo kale waqrado laga helay xogo sir ah, kuwaa oo hadda abuuray shaki badan oo ku aadan in kooxdaasi xiriir la leedahay Somaliland.

Warqadaha la helay ayaa lagu arkay caddaymo muujinaya in xubno kamid ah mileeshiyaadka kooxda Daacish oo dhaawacmay iyo kuwa kale oo xanuuno kala duwan lasoo darseen oo lagu soo daweeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Saraakiisha Ciidamada Puntland oo weli baaritaan ku haya caddaymaha laga helay xarumihii Argagixisada ee xaqiijinaya in isbitaallada Hargeysa lagu daweyn jiray dhaawacyadooda ayaa si KMG ah u hakiyay in la shaaciyo magacyada xarumahaaasi caafimaad ee Hargeysa, inta laga dhammaystirayo baaritaanka socda.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale bishii hore ee Febraayo deegaanno laga saaray kooxda Daacish ka helay lacago badan oo shilinka Somaliland, kuwaa oo kooxda adeegsan jiray laguna qariyay jawaano ay kooxda uga tageen goobo laga saaray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo duqeyn ku laayey qoyska weriye ka tirsan Warbaahinta DF

Caydiid Ali

Dowladda oo ka digtay Khataro kusoo wajahan dadka kunool Koonfurta Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Villa Somalia ku saxiixay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---