Marka hore aan isku dayo inaan juquraafi ahaan kuu sharxo sida ay Shabaab oo gacanta ku hayo deegaano badan oo galbeedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ku yaal ay ugu soo gudbeen bariga Sh/dhexe (Bariga Wabiga Shabeelle) gaar ahaan magaalooyinka ay deggan yihiin beesha Abgaal oo ahaa deegaano horey looga saaray Alshabaab kadib dagaal ay la galeen Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka.
Waxa aan maalmahan maqleynay in Shabaab ay soo galeen Ceel Baraf ,Biyo Cadde iyo tuulooyin kale ,dhanka shishana ay weerar ku qaadeen tuulooyinka Ceel Cali Axmed ,Alkowthar iyo kuwa kale.
Shabaab waxa ay hadda si furan u bilaabeen in ay toos uga soo gudbaan tuulooyinka ku teedsan wabiga Shabeelle ee Waqooyiga ka jira degamada Mahadaay ,waa tuulooyin xiriir ah oo loo yaqaan Sabca Jasiira waxaana ka mid ah Oobaale,Mansuur,Huruwaa ,Diinlaabe.
Dadka deegaanku waxa ay sheegeen in Shabaab boqolaal ah ay soo buuxiyaan howdka tuuloyinkaa oo ku yaal jiinka iyaga oo ka imaanayo Galeedka Wabiga Shabeelle .Hadda waxaa la joogaa xilliga Jiilaalka ee wabiga uu biyo yareeyo, waxeey Shabaab keeneen dooman iyo qalb ay isu soo rakibeen oo ay ku gudbiyaan ciidanka iyo gawaarida tikinakada ee ay wataan.Waxeey burburiyeen qarkii wabiga iyaga oo doortay meelo wabiga biyihiisu ay aad u hooseeyaan ,halkaas ayayna hadda mariyaan baabuurta dagaalka.
Waxa ay bilaabeen qorshahoodii dagaalka waxaa ayna isu kala qeybiyeen ,kuwo aada dhanka hoose ee Ceel Baraf ilaa ay u gudbaan deegaanka Biyo Cadde oo ay gaareen xilliyo kala duwan.
Dhanka shishe ee xadka Sh/dhexe iyo Hiiraan Shabaabkii u gudbay waxa ay isu sii kale qeybiyeen labo qeyb oo waxa ay weereero qorsheysan ku kala qaadeen deeganada Ceel Cali Axmed oo u dhow Moqokori oo Hiiraan ah iyo Alkowthar iyaga oo ujeedkeedu ahaa in ay gacanta ku dhigaan dhamaan deegaanada hoostaga degmada Aden Yabaal.Shabaab waa ku fashilmeen qorshaoodii walow ay waqtiyo kooban ay galeen deegaanada qaarkood.
Maxaa keenay in deeganda qaar lala dirir waayo Alshabaab.
Degmada Ceel Baraf iyo Tuulooyinka u dhow sida Biyo Cadde ,Caadleey iyo Miirtaqwo(Meertuugo) waxaa deggan beesha Agoonyar ee Harti Abgaal.Waa beesha aan aaminsahay in ay tahay ta ugu wiilka badan Sh/dhexe ,waa beesha ay wiilashooda yihiin kuwa ugu badan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed tiir dhexaadna u ah dagaalka lagula jiro Alshabaab ,waa beel ay ka dhasheen maalqabeeno,siyaasiyiin waaweyn oo dalka Madax ka soo noqday iyo Culumaau’diin aad u neceb Shabaabka,horta ma jirto qof laga dhaqadhicin karo Agoonyar ayaa Shabaab iska celin waayay balse waxaa muuqata in tabasho ay jirto ama la yareystay ,waa sida aan is leeyahay.
Sababta koowaad waa taan soo sheegay ,Shabaab oo xilli sanadeedka awgiis deegaanada Sabca Jasiira ka helay waddo haloosin ah markii wabigu guray ay si saf ballaaran kaga soo gudba halkaas.
Ta labaad waa Sahabaab oo fursad uu dadka ku kala qeybiyo helay ,waxaa mar jirtay askar ciidamada Dowladda ah oo la dilay iyagoo deeganadoodii u socday taas oo beel ahaan loo xalliyay ilaa ay Odyaashii ugu waaweynaa Mudulood ay Beledweyne u tagaan,Dowladda Hirshabelle ay tallaab adag ka qaaday, dad lala xiriirinayo dhacdadaas qaarkood la soo xiray lana xukumay.
Shabaab waa fursad gaad beryahaas waxa ay xoogga saareen in ay si cad isaga horkeenaan Abagaal iyo Xawaadle oo ay dhaqaale ku bixiyeen ,hase ahaatee taas waa u shaqeyn weysay oo Macaawisleey beesha Xawaadle ayaa u soo gurmaday Ceel Cali Axmed markii uu dagaalku ka dhacay.
Muxuu yahay qorshaha cusub ee Shabaab
Alshabaab waxa ay heystaan dhalinyaro la marin habaabiyay oo ay sida xaabada u galin karaan dabka kuwaas oo laga dhaadhiciyay in uu soo laabto ineey uga kheyr badan tahay inuu dagaalka ku dhinto ,hooyo kadaba ooyeysa malahan, Waxeey Shabaab shirar ay wadeen baryahan Amiiradooda ay iska dhaadhiciyeen in hal mar ay sameeyaan isku day ay dalka meelo badan ay dib ugu qabsan karaan, waxaana taa u saamaxay gulufkii lagu hayay oo ka joogsaday iyo dagaalo kala duwan oo aaney kula jirin Dowlad Goboleedyada oo socda. Waaba kuwa mar Balcad soo galay. Waxaa qorshahoodu yahay in dhanka Biyo Cadde ay ka soo gudbaan oo soo dhexmaraan deegaanda beesha Kabaale Aqab Duco,Goomey iyo Labi Buraale oo ay kadib Warciise fariisin ka dhigtaan soona gaaraan dhulka beesha Maxamed Muuse oo bari uga beegan Jowhar, iskuna xirtaan hadii ay u suuragasho marka dambe ilaa Xawaadleey ,taas oo go’doon galin karta Jowhar.
Maxaa la gudboon Dowladda Federaalka ,Hirshabelle iyo dadka deegaanka.
Shabaab waa la yaqaan oo dad cusub oo cirka ka soo dhacay maaha ,waa la hubaa oo waxa ay la imaan doonaana qof walba waa u muuqataa, waa mugdi ,ciriiri iyo in ilmaha ay kaxeystaan oo dhalan-rogaan, dagaalna ku baab’iyaan sidaa awgeed in la iska mooso inta ay goori goor tahay waa biyo kama dhibcaan.
Khilaafyada siyaasadeed in inta meel la iska dhigo cadowgana meel looga wada jeesto.Ciddi tabasho ka qabta Dowladda ama Dowlad Goboleedka an ay u bandhigato si furan oo laga wada hadlo ,Dowladuna ay ogolaato waddo kasta oo ay wax ku hagaagi karaan.
Madaxda Dowladda ,Wasiirada ,Xildhibaanada deegaanka waa in ay kacaan oo dib loogu noqdaa deegaanadii lana abaabulaa bulshooyinka deegaanka .Qurbajoogta waa in ay door ka qaataan xoreynta deeganada oo taageero muujiyaan.
Waa in dagaalka ka dhan ah Shabaabb aanu noqon mashruuc lacag lagu raadiyo ee dad amaanada u saaxiib ah waa in loo dhibaa saheyda ciidanka iyo saanadda.
Beelaha Galbeedka Hiiraan waa in Dowladda u muujiso garab istaag min Beledweyne ilaa Jowhar.
Galmudug ,Koofur Galbeed iyo Jubbaland waa in ay dagaalka ka wadaan dhankooda oo siyaasad meel leyska dhigaa.
Dadka noocii ay doonaan ha ahaadeen ee Shabaabka dacaayad u sameeya waa in Dowladda tallaab cad ka qaadaa .Wariyayaasha saxaafadda ka shaqeeya ee xirfadleyda ah waxaan kula talin lahaa in ay runta ka sheegaan xaaladaha jira balse aaney af noqon Shabaab iyaga oo maanka ku haya masuuliyad in ay ka saaran tahay dadkooda iyo dalkooda.Kicin iyo baas abuur kama mid ah shaqooyinka wariyayaasha.
W/Q Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com