Allbanaadir.com
NEWS

Jabhada ONLF oo qarka u saaran iney mar kale hubka qaado

Jabhada ONLF ayaa ku eedeysay Dowlada Itoobiya iney uga baxday dhamaan heshiisyadii Nabada ee sababay iney lix sano ka hor joojiso dagaalkii hubeysnaa ee ay kula jirtay dowlada Itoobiya, waxayna ku hanjabtay iney mar kale hubka qaadi doonto hadii aan la fulin heshiisyadii lala galay markii uu talada la wareegay RW Abiy Ahmed.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA ONLF

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)

Jabhadda Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay si rasmi ah u caddeynaysaa in xukuumadda Itoobiya ay si qorshaysan u baalmartay heshiiskii nabadeed ee la saxiixay 2018, taas oo muujinaysa in aanay ka go’nayn isbeddel dimuqraadi ah iyo nabad waarta.

Muddo lix sano ah, ONLF iyo taageerayaasheeda waxay la kulmayeen cadaadis, cagajuglayn iyo xayiraad siyaasadeed oo uga imanaysay xukuumadda Fedderaalka iyo maamulka Degaanka Soomaalida. Dawladdu waxay si sharci darro ah ONLF uga hor istaagtay ka-qaybgalka siyaasadda, iyada oo JWXO laga diiday diiwaangelinta guddiga doorashooyinka Itoobiya ee (NEBE). Intaa waxaa dheer, xukuumaddu waxay magaca ONLF u adeegsatay marin-habaabin si ay beesha caalamka ugu muujiso wada-hadal aan dhab ahayn, halka xaqiiqadu tahay in la cabudhiyay codkii dhabta ahaa ee matalayay shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo ONLF ay dedaal badan gelisay ilaalinta heshiiska nabadda, haddana xukuumadda Abiy Axmed waxay si joogto ah uga meermeeraysay wada-hadalladii rasmiga ahaa, iyada oo ka fogaatay in ay wax ka qabato arrimaha xudduudaha dhulka Soomaaliyeed, maamulka kheyraadka dabiiciga ah, xuquuqda siyaasadeed iyo cadaaladda bulshada. Waxaa intaas dheer, xukuumaddu waxay sii wadday adeegsiga awood ciidan iyo xakameyn dhaqaale oo lagu cadaadinayo shacabka.

Kadib ballamo la baalmartay iyo khiyaamo siyaasadeed, ONLF waxay caddeynaysaa in aysan mar dambe la falgali doonin dawlad si badheedh ah u burburisay geeddi-socodkii nabadda. Sidaas darteed, ONLF waxay bilaabaysaa in ay dib u eegto wadiiqooyin kale oo lagu xaqiijin karo go’aanka, cadaaladda iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato.

Dhammaad.

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo ka hadlay Ujeedka Ciidamada Haramcad loo geeyay Baladweyne

Cabdi Cade

15 Xildhibaan oo laga mamnuucay fadhiyada Golaha shacabka Somalia (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---