Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali taageeray kooxda daacish oo lagu xiray USA

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero weerarkii gaari xamuul ee ka dhacay New Orleans, kaasoo ay ku dhinteen 14 qof isagoo Sidoo kale, TikTok ku amaanay Shamsud-Din Jabbar oo ka dambeeyay weerarkaas.

Abdisatar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa maxkamaddiisa ugu horreysay loo soo taagay dacwad la xiriirta isku dayga bixinta taageero loo fidinayo urur argagixiso ajnabi ah.

Waxaa lagu amray in xabsiga lagu hayo iyadoon dammaanad loo oggolaanin ilaa la qabto dhageysiga xukunka xabsiga oo la qorsheeyay 5 Maarso.

Dacwadda lagu soo oogay nin oo ah muwaadin Mareykan ah, ayaa lagu sheegay inuu laba jeer isku dayay bishii Diseembar inuu ka safro Minnesota una gudbo Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish.

Ninkan ayaa ku andacooday inuu booqanayo qoyskiisa, balse baarayaashu waxay sheegeen inuusan wax ehel ah ku lahayn Soomaaliya.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in baaritaanka FBI-du uu caddeeyay in Cabdisataar uu si fagaare ah ugu taageeray kooxda Daacish baraha bulshada, isagoo dhowr jeer soo dhigay qoraallo taageero ah.

Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu toddobaadkii hore soo dhigay muuqaal isaga oo baabuur wadaya, gudaha gaarigana uu ku sito calanka kooxda Daacish..

Dukumiintiyada dacwadda ayaa sidoo kale muujinaya in booliska New York ee FBI ay  sheegeen in ninkan uu baraha bulshada ku daabacay qoraallo taageero u ah kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan FBI-da ayaa sheegay in baarayaashu ay heleen muuqaallo loogu ololeynayo Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu faafiyay TikTok iyo Facebook-kiisa. Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu farriimo la wadaagay dadka Af-Soomaaliga ku hadla si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Related posts

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Maraykanka oo markii ugu horeysay liiska argagaxisada ku daray ciidamada dal kale

Caydiid Ali

Farmaajo iyo Xulufadiisa oo ku sugan Afisiyooni, Deni iyo Axmed Madoobe oo maqan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---