Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Raisul Wasaare Xamse kala hadlay Mr.Qimiao Fan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.

Mr.Qimiao Fan ayaa dhankiisa ku amaanay xukuumada Somalia horumarka ay ka gaartay arrimaha dhaqaalaha iyo Maamulka Maaliyada isagoo xusay in bankiga adduunka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo DF.

Related posts

Donald Trump oo soo bandhigay Sawirada hub Casri ah ay ka iibinayaan Sacuudiga (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xulka Qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya oo 4-1 looga badiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Arrinta Ethopia ee Heshiiska MoU iyo xalka ugu dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---