Allbanaadir.com
NEWS

USA oo soo bandhigay qorshe lagu kordhinayo xabad joojinta Gaza

Wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa ayaa dhammaaday, iyadoo hadda uu soo bandhigay ergayga bariga dhexe ee Madaxweynaha Maraykanka Trump, Steve Witkoff qorshe lagu sheegay in lagu kordhinayo xabbad-joojinta wajiga koowaad ee hadda dhammaaday muddo 42 maalmood ah , oo ka dhigan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Qorshaha wuxuu dhigaya inay Xamaas sii deyso maalinta koowaad kala bar maxaabiista ay gacanta ku heyso , kuwa nool iyo meydadka. Hadda waxaa la aaminsanyahay inay Xamaas gacanta ku heyso 59 maxbuus , waxaana la qiyaasayaa 22 ka mid ah inay noolyihiin oo u badan askar ka tirsan ciidanka Israa’iil.

Xamaas ayaan illaa hadda ka jawaabin qorshaha uu soo bandhigay  ergayga bariga dhexe ee madaxweynaha Maraykanka Trump, Steve Witkoff oo sidoo kale uu baahiyay xafiiska Netanyahu.

Horraantii xalay, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas wuxuu u sheegay telefishinka Al Jazeera inaysan qaadan doonin wax kordhin ah, taas beddelkeeda ay doonayaan in lagu socdo qorshihii horey la isku afgartay ee dhigayay in loo gudbo wajiga labaad ee heshiiska, oo suragelinaya ciidanka Israa’iil inay ka fogaadaan marinka Qasa oo la soo afjaro dagaalka!

Mareykanka iyo Israa’iil, hadda si wadajir ah waxay isku raaceen in kaliya muddo kordhin lagu sameeyo wajiga koowaad ee heshiiska , halka Trump uu ku celiyay inaysan wax cadaadis ah saari doonin Israa’iil oo ay heysato ikhtiyaar ay heshiis ku qaadato ama dagaalka dib ugu laabato! sidoo kale Netanyahu oo u muuqda inuu u hanjabayo Xamaas si uu ugu cadaadiyo qorshaha ay doonayaan ee muddo kordhinta, haddii la gaari waayo wax heshiiska oo Xamaas ay ka soo horjeesato kordhinta wajiga koowaad ee heshiiska inuu dib u billaabayo dagaalka Qasa

 

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Lacagaha ay ku xajinayaan xujeyda reer Afgaanistan oo ka yar kuwa Soomaaliya

Cabdi Cade

Galmudug iyo Xaaf oo heshiis hoose gaaray iyo Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---