Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay shir Amniga Caasimadda looga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejignaado dhagarta cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan.

Hey’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay.

Related posts

Madaxtooyadda Somaliland oo War kasoo saartay Iskaashiga ay la yeelaneyso Mareykanka

Cabdi Cade

Dowlad goboleed sheegay inuu shaqo siinayo boqolaal qof oo baracakayaal ah

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Ilaalada Madaxtootada Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---