Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Al Shabaab.
Howlgallada oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday Al Shabaab oo baxsad ka ahaa geesiyaasha qaranka, waxaana sidoo kale la burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka ah oo ay wateen Al Shabaab.
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Al Shabaab.