Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo isbitaal ku booqday dhaawacyo Xudur laga keenay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalkl kuyaalla Magaaladda Muqdisho ku booqday askartii kusoo dhaawacantay xili ay ku guda jireen howlgal Al Shabaab looga ciribtirayo deegaano ka tirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha askarta dhaawacyada kala duwan qaba ay ku jiraan, ayaa dhakhaatiirta iyo maamulka Isbitaalka waxa ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen xaaladda dhaawacyada iyo dadaalka uu isbitaalka ugu jiro daryeelkooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacanka ee Baarlamaanka dalka oo kormeeray guud ahaan qeybaha uu isbitaalka ka koobanyahay ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka isbitaalka, waxa uu uga mahadceliyay shaqada ay u bulshada u hayaan.

Dagaal dhawaan ka dhacay deegaanno hoostaga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Related posts

William Ruto oo cadaadis saaray Axmed Madoobe iyo shuruudo adag uu la yimid …

Cabdi Cade

Xamse oo ka farxiyey ciidankii casharka u dhigay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Doonyo dheereeya u dirtay gobolka Gedo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---