Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Daacish ee ka dagaallamaya buuraha Calmiskaad in ay isa oo dhiibaan, kana faa’iideystaan cafiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni u fidiyay xubnaha ka tanaasulaya fikirka xagjirnmada iyo dagaalka.
Taliyaha guud ee ciidamada difaaca maamulka Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi , oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ugu baaqay shaqsiyaad katirsan kooxda Daacish in ay hubka iska dhigaan, iskuna soo dhiibaan ciidanka Puntland.
Jeneraal Aadan Cabdi , ayaa si gaar ah ugu baaqay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise oo kamid ah horjoogayaasha Daacish inuu ka faa’iidaysto cafiska Madaxweynaha, haddii kalena ay ciidamadu ciqaab adag marsiin doonaan, isagoona uga digay dhallinyarada ku heybta ah in uu dagaal galiyo.
“Cabdiraxmaan Faahiyaw, ninka la yiraahdo Cabdulqaadir Muumin, talo gacan uguma jirto talo iyo tabarna ma hayo, dadka xijiga ka guran jirey Baalade ilaa Tasjiic dhalinyarada qoyskaaga ee aad cadaabta ku guraysid ka jooji”, Gen. Aadan Cabdi Xaashi.
Waxa uu intaasi ku daray taliyaha guud ee ciidamada Puntland ”Waxaa balan igu ah Cabdiraxmaanow ciqaabta aad leedahay inaad naga hesho, dadka aad leedahay waa imagangelinayaan waa ogyihiin arrintu sida ay tahay ee wiilasha ha halaagin silic baad u dhimanaysaaye”.
Ninkan Puntland hadda ugu baaqeyso in uu isa soo dhiibo , ayaa horey warbaahinta caalamka qaarkood u baahiyeen in uu ku dhintay duqeyn ay diyaarado dagaal ka fuliyeen buuraha Calmiskaad, hasa ahaatee Puntland ayaa hadda aaminsan in uu nool yahay ninkan uuna wado dhaq dhaqaqayo dagaal.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com