Allbanaadir.com
NEWS

Yaa go’aaminaya halka ay ka howlgalayaan ciidanka AUSSOM

Ammaanka dalka Soomaaliya qeybo kamid ah, ayaa lagu wareejin doonaa ciidamo cusub oo ku howlgali doona magaca AUSSOM, waxa ayna ciidan cusub ka kala imaan doonaan ilaa lix wadan ay ku jiraan dalalka Itoobiya , Masar iyo Kenya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Balcad, ayaa sheegay in ciidanka cusub ee ku howlgalaya magaca AUSSOM , dhawaan ka howlgali doonaan dalka , iyaga oo beddeli doona howlgalkii hore ee ATMIS.

Cali Balcad , ayaa sheegay in ciidankan cusub goobaha ay ka holgali doonaan ay go’aamin doonto dowladda Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah u xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sidoo kale hay’adda nabbadsugida Soomaaliya go’aamin doonaan goobaha ay ka howlgalayaan ciidankan.

Howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaa ku cusub dalka Masar oon horey wax ciidan ah uga joogin Soomaaliya, waxaa sidoo kale howlgalkan laga reebay oo horey dalka ciidamo uga joogeen dalka Burundi oo saluugay tirada ciidamada laga siiyay howlgalkan cusub.

Ciidamada ATMIS ee waqtigooda dhammaaday ayaa sanadihii lasoo dhaafay wax howlgallo ah oo muuqda ka qeyb qaadan, waxa ayna ciidankan ahaayeen kaliya kuwa ku sugan xeryaha ay joogaan, iyadoona dagaalka Al Shabaab kaliya loo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo caawa la afuray dhallinyaro Soomaaliyed oo dowladu ka soo celisay Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse oo xiran darees milatari oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay in loo ogolaaday howlgalka AUSSOM (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---