Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo tijaabo aad u adag ku maraya gudaha dhulka Suuriya

Turkiga , waxaa loo arka quwada ka dambeysay isbeddelkii ka dhacay Suuriya , kaddib markii la riday nidaamkii Bashaar Al-assad , wax kasta oo ka soconaya gudaha Suuriya , waa marxalada fudud ee tijaabada adag ee Turkiga ku wajahayo gudaha Suuriya!

Isbeddelka Suuriya, wuxuu yimid toddobaadyo uu Erdogan uu ku celceliyay inuu Turkiga wajahayo xaalad khatar ku ah jiritaankiisa, isagoo markaa sheegay inay Israa’iil tahay cidda doonaysa inay waxyeelayso Turkiga! Marka la tixraaco loolanka ka dhex socda gudaha Suuriya, waxaad oggaanaysa Turkiga inuu go’aamiyay dhibaatada ku soo wajahan inuu ku dhex xalliyo gudaha dhulka Suuriya , halkii loo soo tallaabi lahaa dhulka Turkiga; nuxurkuna waa in ujeeddo la’aan uusan Turkiga ugu dhaqaaqin xil ka tuuristii nidaamkii Bashaar Al-Assad!

Maxaa dhacay 24 saac ee u dambeysay?

Netanyahu ayaa waxyar ka hor sheegay in ciidanka Israa’iil uu ku amray inay taageerraan bulshada Druze oo heysta jinsiyada Israa’iil oo maamusha dhulka ay degganyihiin, kuwaasoo doonaya inay ka hortagaan wax uu ku sheegay duullaan ay ciidanka Suuriya ku qaadeen magaalada Jaramana oo ay ku badanyihiin Druze , waxayna kaliya 3 km dhinaca koonfureen ka jirta magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya , sida uu baahiyay wargeyska Washington Post, oo xiganaya warsaxaafadeed uu siidayay xafiiska Netanyahu iyo taliska ciidanka Israa’iil oo lagu sheegay ; “ Ma ogolaan doono in maamulka argagixisada ah ee Islaamiyiinta xagjirka ah ee Suuriya uu waxyeello u geysto Druze.. Haddii uu talisku wax yeelo Druze-ka, annaga ayaa wax yeeli doona— Waxaa naga go’an walaalaheen Druze ee Israa’iil inay sameeyaan wax walba si ay uga hortagaan waxyeellada walaalahooda Druze ee Suuriya, waxaana qaadi doonnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u sugno ammaankooda.”

Waxa uu hadalkan ka doonayo Netanyahu ayaa ah inuu helo cududaar uu ku gaaraya Dimishiq , si loo afgambiyo nidaamka uu hoggaamiyo,Axmed Sharac , sabab la xiriirta in nidaamku yahay mid uu gadaal ka taaganyahay Turkiga, ama nidaamka ayaa loo rogi doonaaa mid ‘magac u yaal’ aan heleyn ul uu ku soo tuuro dhinaca Israa’iil!

Hadalkan kaddib, waxay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu; Madaxweynaha Turkiga , Erdogan oo yiri ; “Waa dhammaatay xilligii kuwii qarnigi la soo dhaafay sida xorta ah gobolkan ugu dhex mushaaxayay oo ku dhaqmaya siyaasad qaybi oo xukun! Wixii hadda ka dambeeya mustaqbalka gobolka waxaa go’aamin doona dadkii hore u lahaa.”

Isla shalay , waxaan kaloo aragnay inaysan dhibaatada Suuriya ka jirin koonfurta oo ciidanka Israa’iil ay joogaan deegaan 19 km u jira caasimadda Dimishiq , si la mid ah waxay khatar ka jirta dhulka ay maamullaan kurdida xiriirka la leh Israa’iil ee ay matalayaan ciidanka SDF , halkaa sidoo kale waxaa doonaysa inay aargoosi ka dhan ah Turkiga ka fuliso Iran , tan oo uu caddeeyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan oo uga digay Iran iskudayga ay ku carqaladeynayso xasilloonida Suuriya , iyagoo taageerraya ciidanka kurdida ee SDF! Xaaladan oo bannaanka soo dhigaysa inay gudaha Suuriya danaha ku mideeyeen Iran iyo Israa’iil oo si isku mid ah u doonaya in la burburiyo saameynta Turkiga iyo nidaamka uu dhabarka ka taaganyahay ee Dimishiq!

Sidee Turkiga khatartan isaga caabin karaa?

Israa’iil ayaa hadda muujiyay sida ay Turkiga ugu soo jiidayso iska horimaad! Si ay tan u caddeyso Israa’iil waxay ka soo gudubtay saddex gobol oo ku yaalla koonfurta Suuriya oo ciidanka Israa’iil ay qabsadeen, kuwaa oo ugu dambeyn la dul keenay caasimadda Dimishiq , halkan ayaanna noqonaysa marka aan arki karno waxa uu sameynayo Turkiga si uu u badbaadiyo nidaamka Dimishiq , sababtoo ah Israa’iil oo dagaal wakiilleed u adeegsanaysa Druze, ayaa geli doonta Dimishiq!

Xaaladan waxay u baahanaysa dhex dhexaadiye, waa Mareykanka oo ay hadda Israa’iil bilowday inay la wadaagto qorshaheeda nooca nidaam ee ay doonayso in laga dhiso Dimishiq , kumana filnaan Israa’iil is xakameynta ay la yimaadeen Sharac iyo nidaamkiisa oo aan qaadin tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil oo qabsatay dhul ballaaran , weerarro xilliga ay doontana ka fulisa Dimishiq , waxayna ku andacoonaysa Israa’iil nidaamka Dimishiq inay maalin un weerarri doonaan Israa’iil, haddii loo oggolaado dhismaha ciidammo iyo awood militari, taa beddelkeeda waxay doonaysa Israa’iil , maamul la mid ah midka ka dhisan Lubnaan..!

Ugu dambeyntii , Iskudarka waxa ka dhex socda Suuriya , waa inay jirto hubaantii la’aan mustaqbalka Suuriya ah, wax kastana kuma dhammaan in la riday nidaamkii Bashaar Al-assad ee waa halka ay ka billaabatay loolanka aan arkeyno!

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al-Shabaab oo lagala wareegay Saddex degaan oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulo cusub oo loo Magacaabay Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamo si gaar ah loo diyaariyay oo maanta tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---