Ciidamada Difaaca Puntland , ayaa guulo hor leh ka gaaraya dagaalka ay kula jiraan kooxda argagaxisada ah ee Daacish, waxa ayna saacadihii lasoo dhaafay ciidamada la wareegeen deegaanno iyo talisyo ay lahaayeen kooxda Daacish.
Taliska ciidanka difaaca Puntland , ayaa sheegay in ay la wareegeen taliskii ay Daacish ku lahaayeen halka lagu magcaaabo Buqa-Caleed, waxaana goobtan Daacish ugu yaallay guryo dhagxaan shub ah ka sameysan oo gabbaad u aheyd saraakiisha kooxda qaarkood.
Ciidanka Puntland goobtan ay la wareegeen ayaa sidoo kale loogu tagay gaadiid ay lahaayeen Daacish oo ay iska gubeen kahor inta aanan goobta laga saarin, waxaa sidoo kale goobtan lagu arkay xafiisyo ay sameesteen Daacish iyo guryo shub camal buuraha uga dhiseen.
“Buqa-caleed, Ciidanku waxay ka heleen guryo buur ka dhex dhisan, oo shub lagu dhisay , leh xafiisyo maamul iyo kuwo shirar, waxaa yaalla labo gaari mid weyn iyo mid yar oo ay sii gubeen iyo agabkale” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska hawlgalka cirib-tirka argagixisada ee Puntland.
Ciidamada Puntland oo wada wajigii saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, ayaa sidoo kale isku dayaya in ay gaaraan talisyo iyo goobo kale hor leh oo muhiim u ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada guulo waa weyn ka gaarayaan howlgalka ay wadaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com