Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo xiray Cali Aadan Muumin iyo labo dembi oo loo heesto

Ciidanka booliiska ee ka howlgalla gobolka Banaadir , ayaa xabsiga dhigay wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah dadka ugu caansan baraha bulshada, waxaana wariyaha la sheegay in uu sameeyay qal kqal gelin amni iyo aflagaado madaxdeed.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in sababta loo xiray wariyaha ay tahay in uu ku kacay falal uu ku qal qal galiyay amniga guud ee caasimadda, sidoo kale uu aflgaeedo u geestay madax katirsan dowladda.

”Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne, ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku eedeysan qal qal galin amni iyo aflagaado madaxeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in Cali Aadan Muumin la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado kiiska dambiga uu geestay, waxaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed la faray in aysan qeyb ka noqon qal qal gelinta amniga iyo faafinta wararka been abuurka ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dagaalyahanada Al Shabaab oo Dhoolo tus ku sameeyay Degmada Jilib (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

QM oo warbixin ka soo saartay Xaalada xuquuqda aadanaha ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---