Xamaas waxay sii deysay muuqaal ay ka soo muuqdeen qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo dalbanaya inay doonayaan inay noolaadaan
Si taas ay u dhacdo waxaa looga baahan yahay Israa’iil inay oggolaato wajiga labaad ee heshiiska si aysan u dhicin inay ku dhintaan dagaal kale oo ay Israa’iil ku soo laabato.
Waxaa la soo raaciyay muuqaalka, farriimo qoraal ah oo lagu sheegay maxaabiista oo nool habka lagu heli karo inay tahay heshiiska xabbad-joojinta iyo inuu waqtigu soconayo
Netanyahu ayaa ka falceliyay muuqaalkan, isagoo ku sheegay mid cabsi gelin ah oo ay Xamaas ka doonayso inay khalkhal ka dhaliso gudaha Israa’iil
Wuxuu sheegay inay ku sii socon doonaan waddada ay ku gaarayaan hadafkooda dagaalka oo ah iney ciribtiraan Xamaas iyo soo furashada maxaaniista weli ku jira gacanta Xamaas