Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhacay kulankii maanta ee Golaha shacabka BFS (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ah kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Guddiga Cadaaladda, Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka uu xildhibaanada ka codsaday in dib loogu dhigo akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedkan si ay usoo dhameystiraan arrimo farsamo oo hindise sharciyeedkan la xiriira.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa fadhiga ka sheegay in guddoonka uu soo gaaray mooshin ama soo jeedin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha kaasoo oo ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ogolaaday in ajendaha la xiriirta mooshinkaas lagu daro ajendaha maanta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo xasaanada Xildhibaanada, safarada ay ku tagayaan deegaan doorashadooda iyo inaan lagu xadgudbin.

Intii ay doodu socotay Xildhibaan Firimbi ayaa ka careysiisiyey Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ka dib markii uu ku tilmaamay barakacayaal aan laheyn degaan laga soo doorto Xildhibaan Gobsan ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkaas, iyadoo sheegtay in Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Woqooyi ay u taagan yihiin midnimada Somalia, sidoo kale xildhibaano careysan ayaa dagaal gacan qaad ku weeraray Xildhibaan Firimbi inkastoo la kala qabtay

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana xildhibaanada haray ay aragtidooda dhiiban doonaan kulanka xiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ceymiska iyo Heshiisyada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.

Related posts

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay Nidaamka Hirgelinta Waxbarashada dalka (Akhriso)

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsan Al shabaab oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Safiirka Itoobiya u magacawday Somaliland oo war cusub sheegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---