Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Shanaad ee Suuqa Hayat Market oo xariga laga jaray (Sawirro)

Xaflad lagu furayey xarunta Shanaad ee Suuqa Hayat Market ayaa lagu qabtey Xarunta Suuqaas oo ku taalla xaafada Cali Kamiin degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho. waxaana ka qayb galey masuuliyiin sare, Xildhibaano Wasiiro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa Warbixin ku saabsan Suuqa ka soo jeediyey Maamulka Hayat Market oo sheegay in Suuqaan Dhismihiisa iyo qalabeyntiisa uu soo socdey in muddo ah isagoo sheegey Hayat Market uu yahay Suuq Casri ah oo aad ka heleysid wax walba oo aad u baahato.

Waxaa Munaasabadaas ka hadley Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan culumaaudiinka Soomaaliyeed oo u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Furitaanka Suuqaas wuxuuna ugu duceeyey Ganacsatada leh Suuqan in Xoolahooda Ilaah u Barakeeyo

Waxaa kaloo Xaflada ka qeyb galey qaybaha kala duwan ee ganacsatada Soomaaliyeed waxaana ka hadley Guddoomiye K/Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiraxmaan C/llaahi Galambi oo sheegey Suuqa Xayaat Mall uu Albaabada u Furi doono in Soomaaliya ay la jaan qaado Suuqyada Casriga Adduunka wuxuuna u soo jeediyey ganacsatada in ay ka qayb qaataan Horumarinta Dalka

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo ka hadashey Xafladaas ayaa u Mahdcelisey Ganacsatadii furtey xarunta shanaad ee Hayat Market waxay sheegtey in Furitaanka Suuqaan uu Calaamad u yahay sida Soomaaliya ay marba marka dambeysa ugu talaabsaneyso Horumar iyo Nabadgelyo.

Sidoo kale Xildhibaanada kala ah Gobsan, Khaliif Abdi Omar iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Xaabsey ayaa waxay qireen in Ganacsatada Shirkadda Hayat Market ay ku soo shaqeeyeen Xaalad adag iyo dhabar adeyg taasoo u suurtagelisey in maanta gaaraan Horumarkan iyagoo sheegay iney u hambalyeynayaan.

Masuuliyiinta kale munasabadas ka hadlay waxaa ka mid ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumada Somalia iyo gudoomiye ku xugeenka dhinaca amniga ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo sheegay in xaruntan cusub ay sare u qaadeyso bilicda caasimada, isla markaana ay shaqo u abuurtay dhalinyaro badan.

Ugu Dambeyn Waxaa Suuqaas Xariga ka jarey Raisul Wasaare ku Xigeenka Soomaalita Saalax Axmed Jaamac oo sheegey in Dowladda soo dhaweyneyso Furitaanka Suuqyada noocaan ah sida Hayat Market wuxuuna xusay in Gancsatada Maalgashata Dalka ay mudan yihiin amaan iyo Bogaadin.

“Jidkan Hayat Market laga furay Gaari Xaajiyad ah ayaan ku mari jiray, xasuus baan galay, aniga Hayat waan ku horreeyay oo waxan kala soo billaabay bilowgii” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Sarkaal caan ah & askar kale oo dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad

Caydiid Ali

Cabsi iyo khalkhal xoogan oo soo wajahay Dayuuradaha rakaabka Israel

Caydiid Ali

Daacish oo soo bandhigtay Dagaal ay la galeen Al Shabaab iyo hub ay ka furteen (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---