Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa diiday inuu qabto mooshin ay soo gudbiyeen senataro ka tirsan golahaas
Senator Cabdiweli Ibrahim Aden (Garyare) ayaa sheegay in Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya uu maanta ka diiday senatarada inuu ka qabto mooshin ay ka keeneen xariga Ilyaas Badal Gaboose oo ka mid ah senatarada Aqalka sare oo ay sheegeen inuu u xiran yahay Maamulka Jubaland.
Senator Garyare ayaa sheegay in Gaboose uu wali ka mid yahay Senatarada aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana fadhigii maanta dood kulul ay dhex martay Garyare iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi.
Ku dhowaad 14 Senator ayuu xusay inay saxiixeen mooshinkaan lagu doonayo in xorriyaddisa uu dib u helo senator Ilyaas Baddal Gaboose oo isagu sheegtay in lagu doortay magaalada Kismaayo uuna yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland.
Garyare ayaa sheegay in muddo sedex bil kabadan uu Gaboose ku xiran yahay Magaalada Kismaayo loona baahan yahay in xorriyadiisa dib u helo, balse Cabdi Xaashi Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ku xujeeyay Senatarada Mooshinka soo gudbiyay in qodobo sharci ah ay waafajiyaan Mooshinka ay keeneen waxaana uu xusay inaysan u aqoonsaneen Senator maadaama uu sheegtay Madaxweynaha Jubbaland.
Senator Garyare uu shaaca ka qaaday in ayaan darro weyn ay tahay falka uu maanta ku kacay Gudoomiye Cabdi Xaashi ayna kadaba hari doonin ilaa Gaboose uu xorriyadiisa ka helaayo.