Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo si kulul uga hadlay shakiga laga muujiyey Caafimaadka Maskadxiisa

Madaxweyne Donald Trump ayaa isku tilmaamay in uu yahay nin deggan oo maskax ahaan fayow isagaoo si caro leh uga jawaabay buugga laga qoray ee shakiga gelinaya caafimaadka dhimirkiisa

Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in labada arrin ee uu ku sifeysan yahay ay yihiin in maskax ahaan uu fariid yahay.

“Hantida ugu weyn ee aan heysto waa degenaanshiyo maskaxeed” ayuu yiri Madaxweynaha  sheegay in uu guulo ka gaaray dhanka ganacsiga islamarkana uu ahaa xidig dhanka telefishanada ah.

Buuga laga qoray madaxweynaha ayaa dhaliilaha loogu soo jeediyay waxaa ka mid ah in uusan ka adkayn shaqada loo igmadey ee xilka madaxweynaha dalka Mareykanka.

Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duuliye ku Hanjabay Diyaarad uu waday in uu ku dhufanayo Xarun Ganacsi oo la qabtay

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga Jubbaland oo Xabsiga Muqdisho ka baxsaday iyo taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Sawirro: RW Khayre oo safarkii Washington soo gebagebeeyey (Maxaa u qabsoomay?)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---