Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa wasaaradda maaliyadda Lubnaan; Maamulka amniga ee garoonka diyaaradaha caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa Jimcihii shalay gacan ku dhigay lacag dhan 2.5 milyan oo dollar oo uu sitay in ka yimid dalka Turkiga , lacagtan oo la sheegay in loo waday ururka Xisbullah.
Wasaaradda amniga gudaha Lubnaan, ayaa dhankeeda warsaaafadeed ku xaqiijisay qabashada lacagtan iyo ninkii watay! Balse ma jiro wax hadal oo ka soo baxay ururka Xisbullah oo lacagtaa looga hadlay.
Maamulka Lubnaan, waxay aad u adkeeyeen amniga garoonka diyaaradaha Beyruut, iyagoo dhaqangelinaya heshiiskii xabbad-joojinta Israa’iil, tan oo xataa mararka qaar ay ka dhalato in la joojiyo duulimaadyada ka imaanaya Iran ee looga shakiyo in lacag loogu soo dhex qariyay Xisbullah, waxaana si adag loo baaraa dhammaan duullimaadyada Iran, laakin hadda in lagu qabtay lacag $2.5 milyan ah , nin ka yimid Turkiga waxay dhab ahaantii dhalinaysa xiisad cusub oo ka dhex qarxaysa Turkiga iyo Israa’iil
Waqti hore Netanyahu iyo saraakiisha Israa’iil ayaa marar kale duwan sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin haddii uu Turkiga taageerro kooxaha la dagaallamaya Israa’iil.