Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo kusii siqeysa Jowhar iyo cabsi laga dareemayo

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle , ayaa sheegaya in xubno badan oo katirsan dagaalyahannada Al Shabaab oo wata gaadiid dagaal lagu arkay deegaanno ku dhaw dhaw magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo wata gaadiidka nuuca dagaalka soo gaareen deegaanno aan sidaasi uga fogeyn magaalada, waxa ayna arrintaasi cabsi badan ku beertay dadka ku dhaqan goobaha Al Shabaab lagu arkay.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaana si weyn loo adkeeyay, waxaana jihooyinka xiga deegaannada Al Shabaab lagu arkay la geeyay ciidamo badan oo loo diyaariyay in ay ka hortagaan duullaan haddii ay soo qaadaan kooxda Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab oo horey looga saaray inta badan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayey mar kale dib ugu soo laabteen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolkaasi, waxa ayna kooxda la wareegtay deegaanno dhowr ah , kuwaa oo qaarkood hadda dib looga saaray.

Maalmo kahor koox hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo ay joogeen daqiiqado badan markii dambana dib uga baxeen, waxa ayna taasi muujineysaa sida awoodda kooxdan dib ugu soo laabaneyso.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taliska Milatariga oo ka hadlay weeraro dhiig badan ku daateen oo saakay dhacay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddoonka cusub ee Guddiga TPEC

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo fursad dheeri ah siinaya Tiktok xilli maanta lagu wado in…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---