Zelensky, waraysi uu siiyay Fox News, kaddib kulankii Aqalka Cad , wuxuu diidday inuu wax cududaar iyo raalligelin siiyo Trump , markaa oo sidoo kale uu sheegay inuusan dib ugu laaban doonin Aqalka Cad , haddii xataa mar kale ay suragal tahay, balse wuxuu sheegay in la badbaadin karo xiriirka isaga iyo Trump , sabab la xiriirta inuusan dooneyn xulafo muhiim ah inuu lumiyo.
Trump , ayaa isaguna hadlay wuxuu sheegay inuu Zelensky iskudayay inuu isla markiiba ku soo laabto Aqalka Cad, isagoo sheegaya inuu wada-hadal diyaar u yahay , laakin inaysan taasi u surageyn in loo sheegay ayuu caddeeyay Trump.
Dhinaca kale , dhammaan hoggaamiyayaasha Yurub iyo Canada ayaa taageerray Zelensky, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Yurub ay ku sheegeen dagaalka ay Ukraine ku jirto inuusan ahayn kaliya mid lagu difaacayo Ukraine ee sidoo kale uu yahay dagaal difaacaya Yurub .
Taageerrada dalalka Yurub ayaa u muuqata in lagu dejinayo xaaladda aan horey loo arag ee uu wajahay Zelensky inta uu joogay Aqalka Cad, halka dhacdadaan ay soo muujisay kala aragti duwanaanta sarreysa ee dagaalka Ukraine oo u dhaxeysa Yurub iyo Mareykanka, tan oo muujinaysa in la galay maalmo iyo toddobaadyo xasaasi ah!