Allbanaadir.com
NEWS

Wax kasta oo ku saabsan kulankii bahdilka iyo canaanta ee Trump iyo Zelenskyy

Weligay ma arag kulan sidan oo kale ah oo ka dhacaya xafiiska Oval ee madaxweynaha Mareykanka. Xaqiiqdii waxaan soo billaabay inan la socdo kullamada ka dhacaya Oval, dhammaadkii sannadkii 2009-kii , laakin markii u horreysay waxaan aragnay hoggaamiye reer Yurub ah oo ka mid ah dalalka xulafada ugu dhow ee Mareykanka oo shaqaalaha aqalka cad ay ku amrayaan inuu isaga baxo aqalka cad, ka horna ilmada wafdiga reer galbeed ah ayaa ku qubatay xafiiska Oval; sheekadu waxay ku saabsan tahay wax kasta oo saacado ka hor ka dhacay xafiiska Oval, inta uu socday kulankii Trump iyo Zelenskyy;

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump ayaa si adag oo canaan ah oo lagu sheegay ‘bahdilaad iyo ixtiraam’ darradii ugu sarreysay ula hadlay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo ku sugnaa xafiiska Oval, xilli ay ku jeedeen oo ay dunidda u gudbinayeen kaamirooyinka warbaahinta ugu afka dheer caalamka. Trump wuxuu ku sheegay hadallada Zelensky, kuwo xushmad darro ah, wuxuuna uga digay cawaaqibka ka dhalan kara diidmada xabbad joojinta dagaalka.

Zelenskyy ma rabin inuu dib u dhageysto in dib looga sheekeeyo taariikhda dagaalka Ukraine! Trump iyo ku-xigeenkiisa Vance ma aysan rabin inay wax ka maqlaan Zelenskyy illaa uu uga mahadcelinayo taageerrada uu Mareykanka siiyay Ukraine.

Kahor inta uusan kulanka Oval isku rogeyn mid ku dhammaada canaan, wariye goobta jooga wuxuu waydiiyay Zelensky sababta uusan u xidhan suud, sida ay sameeyaan inta badan hoggaamiyayaasha booqanaya xafiiska ugu sarreeya ee Maraykanka.

“Waxaan xiran doonaa dharka (suud) ka dib marka dagaalkani dhammaado, ” ayuu yiri Zelensky.

Hadda, waxaan halkan kugu soo gudbinayaa hadalladii ugu adkaa ee la is dhaafsaday;

Trump wuxuu yiri;

-Waxaad na tusaysaa ixtiraam darro

– Waxaan u soconnaa dagaalkii saddexaad ee adduunka, xaq uma lihid inaad ku ciyaarto!

-Ma noo sheegi kartid “kan ayaan rabaa, taas ayaan rabaa”

-Ma haysatid wax kaarar ah (Ikhtiyaar) la’aanteen, waa inaad nooga mahadcelisa.

-Waxaan ku siinay $350 bilyan, hadda waxaad ku jirtaa xaalad adag. Ma dhihi kartid, “Ma doonayo inaan joojiyo dagaalka.”

-Heshiiska qaado lagu dhammeeyo dagaalka ama waa inad baxadaa.

-Aqalka Cad waxaad ku soo laaban karta, adigoo oggolaanaya xabbad-joojin

– Waxaad “ku ciyaareysaa nolosha malaayiin dad ah”

-Ma jiro qof xaq u leh inuu u sheego Maraykanka waxa la samaynayo.

-Haddaysan ahayn hub Maraykan ah, waa lagu jabin lahaa.

-Waa inaad u mahadcelisaa Mareykanka sida ay kuu garab taagan yihiin .

-Dhibaatadu waxay tahay in aan kuu suurtagelinay in aad noqoto nin adag, uma maleynayo in aad noqon doonto nin xooggan , Mareykanka oo ka maqan!

-Dalkiinna wuxuu dhexda uga jiraa dhibaato-dagaalna kuma guulaysanaysaan!

-Askartiina way sii yaraanayaan, waxaadna noo sheegaysaan in aydaan doonayn xabbad joojin!

-Waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan xal ugu heli lahayn dhibka jira, mana joogtid meel aad nagu amarto!

-Waa inaad noo mahadcelisaa oo aad oggolaataa xabbad-joojin!

-Ma doonayo inaan tanaasul sameeyo, laakiin waxaan raadinayaa nabad!

-Waxa aad samaynayso waxay muujinaysaa inadan ixtaam u heyn Mareykanka.

Hadalladan adag kaddib, waxaa soo dhexgalayay oo hadlay Zelensky, wuxuuna ku jawaabay isagoo leh;

-Dammaanad qaadka amniga waa in la siiyaa Ukraine, kamana hadli karno oo kaliya xabbad joojin!

-Waxaan rajeynayaa in heshiiska macdanta uu noqon doono tallaabo loo qaadayo dammaanad qaadka amniga ee Ukraine!

-Waxaan ku xisaabtameynaa mawqifka adag ee Trump si uu u joojiyo Putin.

-Putin waa dilaa iyo argagixiso, waa muhiim in la badbaadiyo dalkeenna iyo dimoqraadiyada, dhulkeenana lama bixin karo!

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa hadalka ka dhex galay Zelensky isagoo ku dhahaya; “Miyaad tidhi, xitaa hal mar waad ku mahadsan tahay Maraykanka mise wuu mahadsanyahay madaxweynaha Mareykanka? “Ma kula tahay inay kugu habboon tahay inaad timaadid Xafiiska Oval-ka ee Mareykanka oo aad weerarto maamulka isku dayaya inuu ka hortago burburka dalkaaga?”Waxaan badbaadinayna dalkaaga, waa inad la timaadaa ixtiraam.”

Waxaa xigay inuu mar kale hadalka ku soo laabto , Zelensky isagoo wajigiisa laga arkayay caro badan, indhihiisana waxaa buuxiyay ilmo, wuxuuna yiri; “ Waxay igu yeereen Aqalka Cad si ay ii bahdilaan oo ay ii caayaan’, isagoo markaa tixraacayay si aan horey loo arag inay wadajir u canaanteen madaxweynaha Mareykanka iyo ku-xigeenkiisa.

Intaa kaddib, waxaa la joojiyay kulanka, waxaana baxay Trump, waxaa dhacay ee xigay waxay ahayd in shaqaalaha aqalka cad ay ku wargeliyeen madaxweynaha Ukraine inuu isaga baxo aqalka cad! Waa daqiiqad taariikhi ah oo aan horey loogu arag aqalka cad, iyadoo shabakadda Fox News ay ku warrantay inuu isku dayay madaxweynaha Ukraine inuu sii joogo aqalka cad, balse Trump ayaa ka cayriyay aqalka, sidii la filayay lama qaban shir jaraa’id, sidoo kalena waxaa la joojiyay inuu dhaco saxiixa heshiiska macdanta Ukriane uu ku helayo Mareykanka oo ay ahayd waxa ugu weyn ee Zelensky aqalka cad, maaddama uu filayay heshiiska inuu isbeddel ku sameynayo mowqifka Mareykanka oo ay taageerri doonaan rabitaanka Ukraine, ama waxa ugu yar ay noqonayso inuu Mareykanka bixiyo dammaanad qaadka amniga Ukriane oo ciidanka Mareykanka halkaa la geynayo, taa beddelkeeda waxaa dhacday guul-darradii siyaasadeed ee ugu xumayd taariikhda oo Ukraine iyo hoggaamiye reer galbeedka uu la kulmay..!

Kulanka kaddib, waxaa qoraal soo saaray Trump , oo sheegay inuusan Zelensky dooneyn inuu joojiyo dagaalka, ixtiraam darrana kula kacay Mareykanka.

Zelensky, oo dhankiisa qoraal baahiyay , wuxuu ugu mahadceliyay Trump, Congress-ka Mareykanka iyo shacabka Mareykanka taageeradooda, wuxuuna yiri Ukraine ‘waxay u baahan tahay nabad waarta oo cadaalad ah’

Sidee hoggaamiyayaasha reer Yurub uga falceliyeen bahdilaada uu kala kulmay aqalka cad madaxweynaha Ukraine;

Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron ayaa ku celiyay taageerrada uu u hayo Zelenskyy iyo Ukraine,kaddib muuqaalladii ceebta lahaa ay ka soo baxeen kulankii Trump uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine.

Macron waxa uu sheegay in Ruushka uu yahay cidda gardarran, Ukraine-na ay yihiin dhibanayaasha gardaradaas.

“Waa inaan ixtiraamnaa kuwa dagaallamayey tan iyo bilowgii,” ayuu ku darray hadalkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk ayaa isaguna soo hadlay , wuxuuna sheegay in Ukraine aysan ahayn “kaligeed”

“Gacaliye Zelenskyy, saaxiibada qaaliga ah ee Ukraine, keligiin ma tihiin,” ayuu yiri Tusk, isagoo ka falcelinaya hadalladii cagajugleynta ee Trump dunidda horteeda ugu jeediyay Zelenskyy.

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa isaguna baahiyay farriin uu ku xaqiijiyay inuu dalkiisa garab taaganyahay Ukraine.

Siyaasiyiinta kale ee reer Yurub oo sida dhaqso ah uga hadlay waxa uu Trumo ku sameeyay Zelenskyy, waxaa ka mid ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, licia Kearns oo waxay tiri waxa ka dhacay xafiiska Oval-ka “waxaa lagu tilmaami karaa oo kaliya cagajugleyn… Xoog u cagajugleyn wax ku ool ah oo loogu talagalay dadka Maraykanka- Daawashada muuqaallada aan arkay waxaan ku dareemay ceeb iyo qalbi-jab , waa wax laga xishoodo gabi ahaanba.”

Waxaa dhab ah inay reer Yurub ku tahay argagax, wixii aan ku aragnay Aqalka Cad. Horey hoggaamiyayaasha Yurub waxay u muujiyeen inay taageerrayaan nabadda Ukraine, waxaana run ah reer Yurub ma sameyn doonaan taageerro dagaal oo ay la dhinac istaagaan Ukraine, iyadoo Mareykanka ka maqanyahay, natiijadana waxay tahay in ugu dambeyn u uku laaban doono Zelenskyy, isagoo diyaar u ah heshiis xabbad-joojin ah oo waliba adag, ama waxaan arki doonaan Zelenskyy oo go’aamiyay inay isla dhintaan isaga iyo Ukraine, oo wuxuu aadi doonaan dagaal, markanse wuxuu noqon doonaa kaligii!

Ugu dambeyntii, waxaan ku sheegaya, sida Ruushka looga falceliyay, kulankii naga yaabiyay ee Aqalka Cad;

Inta aan aadan arag hadalka Ruushka, waxaa jirta tallaabo uu qaaday Trump, wuxuu ugu yeeray aqalka cad inta uu socday kulankii Zelenskyy, inay goobjoog ka noqdaan warbaahinta dawladda Ruushka, gaar ahaan waxaa ku sugnaa xafiiska Oval-ka, wariyayaal ka socday wakaaladda wararka dawladda Ruushka ee TASS, waxay ku sheegeen warbaahinta Mareykan arrin ay la yaabeen in kulankan loogu yeeray wariyayaasha TASS, halka laga mamnuucay inay xafiiska Oval-ka soo galaan wariyayaasha wakaaladaha wararka reer galbeedka ee AP iyo Reuters – go’aanka goobta lagu keenay warbaahin Ruushka waxaa lagu tilmaamay tallaabo uu Trump ku horumarinayo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka, si ay tan u caawiso qorshihiisa nabadda ee joojinta dagaalka Ukraine.

Hagaag, madaxweynihii hore ee Ruushka oo xilligan ah guddoomiye ku-xigeenka golaha amniga Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa kulanka aqalka cad , kaddib sheegay ; “Doofaarkii caytamay ayaa ugu dambeyntii dharbaaxo sax ah ka helay xafiiska Oval-ka.. Donald Trump wuu saxantahay , nidaamka Kyiv waxay ku ciyaariyaan bilowga dagaalkii saddexaad ee adduunka.”

W/T Iman Jamac

Related posts

Xasan Sheekh oo Waali ku tilmaamay Warkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Faahfaahin: Iska horimaad Khasaare sababay oo ka dhacay Garowe

Caydiid Ali

Musharax shaaciyey qorsheyaal halis ah oo ay wadaan Farmaajo iyo dowlada Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---