Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada ciidamada oo Xukun adag ku riday Cali Maxamed Cabdullaahi (Daawo Sawirada)

Maxkamada darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Cali Maxamed Cabdullaahi oo Maxkamada ku heshay in uu kamid ahaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan uu Al shabaab kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013, waxa uuna ninkan uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin Shabeelaha Hoose .

Cali Maxamed ayaa Maxkamada ka hor qirtay in mudo Afar bilood ah qoryaha AK 47, BKM iyo RBG oo lagu baray xerada tababarada  Cuteybah, waxa uu sidoo kale Maxkamada u sheegay Cali in markii dambe ku biiray Amniyaadka Al Shabaab loona tababaray.

Ciidamada amaanka ayaa ninkan kasoo qabtay  Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018, waxaana xiliga la qabanayay la sheegay in Cali qorsheenayay in uu dilo askari katirsan ciidanka dowlada .

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Maxkamada darajada koobaad ee ciidanka ayaa ugu dambeyn Cali Maxamed Cabdullaahi ku riday 15-sano oo Xabsi ciidan, waxa ayna Maxkamada sii deysay labo eedeesane kale oo lagu waayay dambiyadii loo heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo ka degay Addis Ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo ku dhawaaqday jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay

Caydiid Ali

Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya oo mudo kadib maanta dib u bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---