Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo ku dhawaaqday in beri soon tahay iyo RW Xamse Bare oo hambalyo diray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Bisha Ramadaan waa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada, iyo isu naxariisashada bulshada.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka”. Ayuu yiri Raiisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay in uu Ramadaanka inoogu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo, innagana aqbalo soonkeena, salaadeena iyo camalkeenna suubban.

 

Related posts

(Sawirro) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xariga ka jaray..

Caydiid Ali

Cali Yare Cali oo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Xisbiga Nabad iyo Nolol

Caydiid Ali

Qisada Waaya’aragii Nololeed ee Qoraa Marxuum Abdullahi Sheegow.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---