Allbanaadir.com
NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo ku dhawaaqday in beri soon tahay iyo DFS oo ..

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa ku dhawaaqday in beri oo Sabti ah taariikhdana ku beegan tahay 1-da bisha Marso ay tahay maalinta koobaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Xarameynka ayaa lagu sheegay in beri ay tahay maalin soon ah, waxa ayna sheegeen in gudaha Sacuudiga laga arkay curashada bisha Ramadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin in beri ay tahay soon, waxaana la filayaa in waqtiga soo aadan dowladda ku dhawaaqdo in beri tahay maalinta koobaad ee bisha Radamaan.

Dalal badan oo Carbeed iyo qaar kamid ah waddamada Islaamka ayaa looga dhawaaqay in beri tahay soon, waxaa sidoo kale jira waddamo kale oo beri aan laga soomi doonin.

Related posts

Wasaarada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada DF oo digniin u dirtay shacabka Cadale

Caydiid Ali

Madaxweyne Zelenskyy oo qeylo dhaamiyay weerarka loo adeegsay gantaalka Oreshnik

Cabdi Cade

Soomaali Careesan oo jartay Khadka tareenka ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---