Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo maanta Daacish kala wareegay dhul hor leh iyo hub

Ciidanka difaaca maamulka Puntland oo bilaabay wajiga saddexaad ee howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish , ayaa la wareegtay deegaanno iyo talisyo hor leh ay kooxdaasi ka joogeen dhulka buuraha ee Calmiskaad ee gobolka Bari.

War kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagaxisada , ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca maanta si rasmi ah u bilaabeen wajiga saddexaad ee howlgalka, waxa ayna taliska shaaciyeen in howlgalka durba laga gaaray guulo wax ku ool ah.

“Wejiga 3-aad ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, oo maanta si rasmi ah bilowday ayaa laga gaaray guul, iyadoo ciidanka amniga Puntland ay si xirfad leh ugu howlgaleen deegaanada ay argagixisadu ku sugan yihiin” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada Puntland.

Howlgalka saraakiisha hoggaamisa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada difaaca Puntland maanta kala wareegeen kooxda Daacish taliska weyn ay lahaayeen oo lagu magacaabayay Dhaban-qooxle, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in taliskan laga helay hub iyo saanad ciidan.

“Ciidamada waxay gacanta ku dhigeen xarumo muhiim ah, kuwaas oo ay argagixisadu ku lahaayeen, sida Dhaban Qooxle iyo Aaga Dhaadaar. Intaasi waxaa dheer, waxaa la helay maydad argagixisada, saanad ciidan, hub, gantaalo, iyo agab kale oo muhiim ah oo kooxda Argagixisada ee Daacish ku adeegsan jirtay hawlgalladooda.” ayaa lagu yiri warka ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee howlgalka ciribtirka kooxda Daacish, waxa ayna durba ciidamada Puntland bilaabeen wajiga saddexaad ee dagaalka ay ku doonayaan in ay kusoo afjaraan argagaxisada Daacish.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka: Lama aqbali karo duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo Laascaanood

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal socda

Cabdi Cade

Puntland oo ka hadashay sida laga yeelayo Deni haddii uu soo waayo xilka Madaxweynaha DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---