Hoggaamiyaha kooxda kurdida ee PKK, Cabdalla Ă–calan ayaa War saxaafadeed rasmi uu soo saaray wuxuu sheegay inay kooxdiisa nabad qaadatay, isagoo ugu baaqay PKK inay hubka dhigto oo la kala diro dhammaan dagaallamayaasha kooxda, xilligana ay hab wada-xaajood nabadeed ku raadinayaan xuquuqda ay tirsanayaan inay ka maqan tahay bulshada Kurdida ee Turkiga.
Inta badan ururrada kale ee kurdida ku kala qeybsan dalalka bariga dhexe ayaa go’aankan soo dhaweeyay, halka hoggaamiyayaasha PKK ay ku dhawaaqeen inay billaabayaan fulinta baaqa ka soo baxay hoggaamiyahooda sare, Cabdalla Öcalan oo xabsi ku yaalla Turkiga ku xiran tan iyo sannadkii 1999.
Erdogan, xisbigiisa AK Party iyo dadka Turkiga , waxay u tahay waqti muhiim ah ku dhawaaqista PKK ee ah inay hubka dhigayaan, kaddib muddo 46 sanno ah oo ay kooxdan weerarro ka fulinaysay gudaha Turkiga.
Waxay uga dhigan tahay Erdogan inuu soo xiray albaab halis ku ahaa xasilloonida Turkiga, xilli ay isbeddelo ka dhacayaan gobolka bariga dhexe oo saameyn ku leh Turkiga , muddo dheer ayuu Turkiga iskudayay in kooxdan ay hubka dhigto, iyadoo sannadihii u dambeeyay la arkay dadaalka ay galiyeen inay tan dhacdo dawladda uu Erdogan hoggaaminayso oo horey ugu baaqday Ă–calan, haddii kooxdiisa ay hubka dhigto in xabsiga laga sii deyn doono oo wada-xaajoodyo lagu xallinayo tabashadooda.