Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar caan ah oo geeriyooday & RW xamse oo tacsi ka diray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka, marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Related posts

Mohamed Salah oo si adag uga hadlay Gumaadka Isra’il ku heyso shacabka Falastiin

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo ka dhursugaya Balan qaadkii Wasiirka Amniga Soomaaliya !!!

Cabdi Cade

Xoogaga Wadaniyiinta oo la sheegay in Biskoolado la siiyay laguna sii dhex daayay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---