Allbanaadir.com
NEWS

Gantaalo iyo warshad hub ay lahaayeen Daacish oo lala wareegay (Sawirro)

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawgal amni ka sameeyay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ayaa gacanta ku dhigay ilaa 2,000 oo gantaal, oo ay farsamaysay Argagixisada ISIS.

Warxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo hawlgal ka sameeyay degaanka Dhasaan ay gacanta ku dhigeen ilaa 2,000 oo gantaal, kuwaasi oo ay farsamaysay Kooxda ISIS, si ay ugu fuliyaan weerarro Argagixiso.

“Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo argagixisada Daacish ay sameysteen, kuwaas oo ay doonayeen in ay waxyeello ugu geysteen shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in gantaalladaasi ka heleen warshadii samaynta gantaallada u qaabilsanayd Argagixisada”Sidoo kale, Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qeyb kamid ah warshaddiihii ay ku sameeyeen gantaaladan” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, Taliska Ciidamada Puntland gaar ahaanna Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa sheegay in ay isla maanta nawaaxiga Dhasaan ka heleen mootooyin iyo fuustooyin shidaal ah oo ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo saakay ka ambo baxay Muqdisho iyo xog ku aadan ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyed oo geeriyootay markii ay ka soo dhacday dhisme 6 dabaq ah

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay cod sir ah oo laga duubay Wasiirka arrimaha dibadda Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---