Allbanaadir.com
NEWS

Nin Israa’iili ah oo xog siinayay Sirdoonka Iran oo la qabtay

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz , ayaa baahiyay inay ciidanka Booliska iyo Sirdoonka Israa’iil gacanta ku dhigeen nin Israa’iil oo 26 jir ah, kaasoo lagu eedeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Iran.

Ninkan sirdoonka Israa’iil qabteen ayaa lagu tuhmayas in in sirdoonka Iran gudbiyay macluumaad badan, iyadoo warbixinta wargeyska intaa ku dartay in shaqo kasta oo uu ninkan qabanayay uu ku beddelanayay lacag aan cadadeena la shaacin.

Wargeyska ayaa xusay in muddada uu la shaqeynayay sirdoonka Iran in ninkan ay wax ka waydiiyeen wakiillada Iran haddii uu soo sawirro iyo muuqaallo ka soo gudbin karo guriga uu degganyahay madaxa hay’adda adeegga amniga guud ee Israa’iil, Ronen Bar, saldhigyada milatariga, iyo xitaa in wax la weydiiyay haddii uu yaqaan wax duuliye ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Israa’iil, laakiin ma uusan fulin howlgalladan.

Sirdoonka Israa’iil ayaa horey marar kala duwan u xiray dhowr qof oo isugu jira askar iyo shacab, kuwaa oo lagu tuhmay in ay la shaqeenayeen sirdoonka Iran una gudbinayeen xogo sirdoon .

Related posts

Trump oo runta wejiga ka saaray Raisul wasaare Netanyahu

Caydiid Ali

Somalia oo ashtako ku saabsan khilaafka Badda ee Kenya u dirtay Q/Midoobay

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Tel aviv ka geystay weerar dhimasho sababay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---