Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas & Israel oo is dhafasaday Meydad & Maxaabiis (Sawirro)

Israa’iil ayaa sii deysay boqollaal maxbuus oo falastiiniyiin ah, oo tan iyo Sabtidii ay dood ka taagnayd sii deyntooda.

Ku dhawaad 620 maxbuus oo ay ku jiraan 456 oo gaaray Qasa iyo  tobannaan kale oo gaaray  Qudus iyo magaalooyinka Daanta Galbeed ayaa ka mid ah maxaabiista la sii daayay

Sii deyntooda ayaa timid kaddib markii xalay ay Xamaas wareejisay afar meyd oo ka mid ah maxaabiista Israa’iil, kuwaasoo si loo xaqiijiyo aqoonsigooda ay dib u dhigtay Israa’iil inay maanta sii deyso 24 maxbuus oo carruur Falastiiniyiin ah oo ku jiray 620-ka maxbuus ee lagu heshiiyay in la sii daayo,

Warbaahinta Israel ayaa ku warrantay in la xaqiijiyay 4 meyd ee Israa’iiliyiinta ah aqoonsigooda, taasoo ka dhigan in la sii deynayo carruurta falastiiniyiinta.

Waxa cusub ayaa ah inaysan Xamaas wax bandhig ah u qaban 4 meyd ee ay wareejisay, saacadihii dambe ee xalay, waxayna u muuqataa in sii deynta 620 ee falastiiniyiinta ee dib loo dhigay ay ku timid inay Xamaas oggolaatay inaysan qaban wax bandhig ah oo ay lagu fadeexaynayo Israa’iil.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Kacdoon ka dhan ah Maamulka Somaliland oo ka curtay Magaalo kale

Caydiid Ali

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay Hantidhowraha Qaranka oo lagu eedeeyay…

Cabdi Cade

Dil Wiil Dhalinyaro ah loogu geestay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---