Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu maanta booqasho rasmi ah ku gaaray caasimadda Muqdisho, markii u horreysay muddo lix sanno ah , iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Socdaalka Abiy Axmed, ayaa daba socdo booqashadii bartamihii Jannaayo uu ku tagay Addis Ababa Madaxweyne Xasan oo ka dhalatay baaqii Ankara ee dib loogu soo celiyay xiriirka labada dal oo gaaray muddo sannad ah meel adag, kaddib khilaaf ka dhashay is-afgaradkii badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Labada hoggaamiye hadda waxay soo bandhigayaan sida ay diyaar ugu yihiin hagaajinta xiriirka labada dal iyo in horey loogu socdo baaqii Ankara — waxaana looga arkaa gobolka inay booqashooyinkan muhiimad u leeyihiin xasilloonida gobolka iyo xiriirka labada dal.
Sidii lagu soo gaaray halkan?
Wixii ka dambeeyay horraantii bishii Jannaayo,2024 , markaa oo uu soo bilowday khilaafka labada dal ee salka ku hayay arrimaha badda, waxaa loo arkayay in labada dal uu xiriirkoodu gaaray meeshii u hooseysay muddo tobannaan sanno ah.
Muddada lagu jiray khilaafka waxaa dhacday in la is dhaafsaday hadallo adag, iyadoo abaabul weyn oo lagu diiddan yahay hab-dhaqanka Addis Ababa , laga arkay Muqdisho, markaa oo ay Soomaaliya soo saartay go’aamo ka dhan ah Itoobiya — Madaxweyne Xasan iyo saraakiisha sare ee dawladda ayaa waqtigaa ku sheegay Itoobiya ‘dal cadow ah oo ku soo duullaay Soomaaliya’, tan oo ay dhinac socotay tallaabooyin lagu cadaadinayo Itoobiya oo ay ku jirto inay dawladda meesha ka saarayso joojinta ciidanka Itoobiya ee dalka; halka ay Itoobiya ku celcelinaysay doonisteeda badda, illaa laga soo gaaray 12 bishii December,2024 oo wada-hadallo labada hoggaamiye uga socday saacado badan Ankara oo uu dhex dhexaadiyay Erdogan laga soo saaray is afgarad iyo baaq dib loogu hagaajinayo xiriirka si loo helo jawi suragelinaya wada-xaajoodyo laga galo arrimaha badda, isla goobtaa oo sidoo kale laga xaqiijiyay in Itoobiya ay heli doonto marin ganacsi oo ay ku gaarayso badda Soomaaliya, marka la isku afgarto oo la dhammeystiro heshiiska.
Itoobiya, wuxuu u suurageliyay baaqa Ankara inuu hoos uga dhaco cadaadiskii ay la kulmaysay iyo furitaanka albaab wada-xaajood oo ay ku gaarayso badda oo sannado ka hor loo arkayay wax adag oo si dhow aan suuragal ugu ahayn inay Itoobiya hesho marin badeed xor ah; intaa oo kaliya ma aha sidoo kale baaqa wuxuu suurageliyay in meesha laga saaro hubantii la’aanta ay wajaheen kumannaan ciidanka Itoobiya ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ay dawladda Soomaaliya oggolaatay inay Itoobiya ku sii jirto howlgalka dib loo cusboonaysiiyay ee Midowga Afrika, halka dhinaca Soomaaliya ay saraakiishu sheegeen in baaqa Ankara uu surageliyay inaysan Itoobiya ka gudbi karin dawladda federaalka, iyagoo markaa la adeegsanayo in albaabka ay Itoobiya ka soo galayso Soomaaliya ay noqonayso dawladda federaalka, tan oo loola jeedo in isbeddel lagu sameeyo habka ay Itoobiya kula macaamisho dawlad-gobolleedyada.
Booqashada Abiy, waxay dhalisay in siyaabo kala duwan looga hadlo , iyadoo la tixraacayo mowqifkii adkaa ee dawladda federaalka, laakin sida ay dunidda u macaamisho khilaafka kasta oo xataa gaara gacan ka hadal waxaa lagu soo afjaraa wada-xaajood iyo heshiisyo diblomaasiyadeed, si la mid ah xaaladda hadda labada dal ayaa ka gudbaya xaalad kasta oo hore, si ay dib ugu hagaajiyaan xiriirka, laakiin si cad waxa keenay kala aragti duwanaashaha laga soo bandhigay socdaalkan iyo sida loo soo celiyay xiriirka ayaa ah inaysan dawladda federaalka maclumaad badan ka soo bandhigin soo celinta xiriirkan, marka la barbar dhigo habka loo abaabulay ololihii muddada sannadka ah socday ee looga soo horjeeday Itoobiya.
Abiy ma uusan soo bandhigin hadallo cad oo uu uga garaabay wax kasta oo laga diidday Muqdisho, wax walbana waxay Itoobiya u joogtaa halkii ay sheegtay inay u socoto! waxaana sidoo kale waxbadan laga ogeyn sida lagu gudagalayo heshiisyada badda ee ay Itoobiya doonayso iyo waxa ka dambeeya doorka Turkiga uu ku dhexdhexaadiyay labada dal, isku darka arrimahan ayaanna dhaliyay siyaasabaha kala duwan ee looga hadlay booqashadan.
Hadallada ka soo baxa Abiy inta uu ku sugan yahay Muqdisho iyo natiijada wada-hadallada uga socda labada hoggaamiye Villa Somalia , ayaa ah waxa socdaalkan macnaha u sameynaya iyo hal-beega arrimaha la xiriira heshiiska badda iyo sida uu noqonayo xiriirka mustaqbalka ee labada dal..!
IMAN JAMA