Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maanta booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal uu caqabado hareeyeen.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal, iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha .
Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.
Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.