Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee Dalmar ayaa ka qeyb galay carwada hooyada iyo dhallaanka oo muddo labo cisho ah ka socotay beerta Xamar ee Magaalada Muqdisho.
Carwadan oo la qabanayey afartii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya xarunta KOBAC ee Tababaridda La-Talinta & Wacyigelinta bulshada oo uu aasaasay Macalin Kobac oo ah shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.
Waxaa sanadkan ka qeyb galay in ka badan 50 xarumood oo isugu jira Isbitaalo, kuwa bixiya adeegyada iyo agabka kala duwan ee loogu talo galay daryeelka hooyada iyo dhallaanka kuwaasoo dhamaantood ku yaalla magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Waxaa bandhigan ka soo qeyb galay haween iyo caruur ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho iyo degaanada hoos yimaada kuwaasoo ka faa’iideysanayey adeegyo bilaash ah iyo kuwo qiimi dhimis loogu sameeyey.
Isbitaalka Dalmar oo qeyb ka ahaa Carwadan ayaa hallkaas u diray Koox ka kooban dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal Caafimaad oo ay horkacayeen Dr. Naciimo Aadan Xuseen oo ah dhaqtarad ku taqasustay cudurada haweenka iyo qaliimadooda & Dr. Maxamed Axmed Maxamed oo qaabilsan Cudurada Guud.
Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ka socday Isbitaalka Dalmar ayaa mudadii labada cisho aheyd ee ay socotay Carwadan waxay baaritaano u sameeyeen haween iyo caruur qeyb ka ahaa shacabkii ka soo qeyb galay, kuwaasoo ka cabanayey xanuuno kala duwan iyadoo kuwa baaritaanada dheeraadka ah u baahan loo dirayey labada xarumood ee Isbitaalka, iyadoo adeegyada ay baahan yihiin loogu sameeyey qiimo dhimis gaareysa %30.
Qaar ka mid ah dadkii soo booqday Goobta ay ka howlgalayeen Tiimka ka socday Isbitaalka Dalmar ayaa u mahad celiyey Maamulka Isbitaalka gaar ahaan dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii halkaasi ku sugnaa sida hufan ee ay u soo dhoweeyeen, adeegyadii ay u baahnaayeena ugu qabteen.
Isbitaalka Dalmar (Ex-Al-Nuur Eye Hospital) Waa Isbitaalkii ugu horeeyey noociisa ee laga furo Koonfurta iyo bartamaha Somalia sanadkii 2002 xilli ay jireen duruufo aad u adag oo dhaqaatiirta qurbaha ku maqnaa badankood ku qasabtay iney ku soo dhiiran waayaan dalka, iyadoo shaqada Isbitaalka aysan maalina joogsanin mudadii 22-ka sano aheyd uu jiray waxaana ka faa’iideystay adeegyada Isbitaalka tobanaan kun oo qof.
Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar waa isbitaal casri ah wuxuu ka kooban yahay, qeybaha bukaan socodka oo taqasusyo kala duwan leh, bukaan jiifka, Sheybaarka, Raajada, gargaarka deg deg ah (ICU) daweynta iyo qaliinka Indhaha, Sifeynta kelyaha, Caafimaadka iyo qurxinta ilkaha (Dentistry) gargaarka deg deg ah, dhalmada iyo qeybaha qaliimada Guud.
HOOS MKA DAAWO SAWIRADA