Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo waaberigii saaka weeraray degmada Balcad

Ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ayaa iska caabiyay kooxda Al shabaab oo saaka arroortii hore weerar ku soo qaaday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana degmada si buuxda gacanta ugu haya Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka degaanka.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay iney waaberigii hore ee saaka la kulmeen weerar ay Al shabaab ku soo qaadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in al shabaab ay soo galeen qeybo ka mid ah degmada ayna qabsadeen saldhiuga Booliska Balcad halkaasoo ay ka sii daayeen dad ku xirnaa, inkastoo markii dambe dib looga saaray magaalada.

“Ciidamo u badan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Balcad oo saxaafada la hadlay

Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in Al shabaab ay saaka jab xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii dhacay, “Waxaa beeraha ku yaalla duleedka magaalada daadsan meydadka Khawaarijtii saakay la laayey” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada.

Saraakiisha Ciidamada waxa ay sidoo kale sheegeen iney wadaan tira koob rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada dhimashada saaka al shabaab looga dilay duleedka degmada Balcad.

Kooxda Al shabaab ayaa maalmahaan wada isku dayo ay rabaan in ay dib u qabsadaan magaalooyin ka tirsan Sh/dhexe balse waxay wajahayaan dagaal culus oo ku qasba dhimasho iyo dhaawac badan.

Related posts

Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay qaraarkii ka soo baxay Golaha amaanka ee QM

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo la kulmay safiirada dalalka Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo shaacisay Qorshe culus oo halis ku ah Soomaaliya & dama Farmaajo oo Somaliland ka xanaaqday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---