Waxaa maanta xiran qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana ku sugan ciidamada amaanka dowlada Somalia.
Wadooyinka la xiray intooda badan waxaa ka reeban iney maraan gaadiidka dadweynaha noocyadiisa kala duwan, waxaana isticmaali kara oo kaliya dadka lugeynaya.
Meelaha qaar sida agagaarka madaxtoyada xitaa dadka lugeynaya looma ogola oo dib ayaa loo soo celinayaa waxaa ku sugan oo kaliya saraakiil iyo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.
Wadada Maka Al-Mukarama ee isku xirta garoonka Aadan cadde iyo xarunta madaxtooyada ayaa ah wadada saameynta ugu badan uu ku yeeshay xirnaanshaha.
Xirnaanshaga wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa loo sababeynayaa booqashada la filayo inuu maanta ku yimaada RW Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi uu horkacayo.
Qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda ayaa la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.
Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada waana booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.