Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgelinta howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa ugu horeyn u mahadcelisay Guddiga isku xirka howlaha Soomaaliya ee Midowga Afrika.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa cadeysay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay hoggaaminta qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM.
Midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dalalka ay ka socdaan ciidamada AUSSOM, halka wada-hawlgalayaasha ay ka socdaan ciidamada ka qeyb gelaya howlgalka ay dowladda federaalka u xaqiijiyeen taageeradooda geeddi socodka nabadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahad-naqday naf-hurnimadii ay Ciidamada Midowga Afrika u muujiyeen, gaar ahaan howlgalladii AMISOM iyo ATMIS oo dalka ka howlgelaayey 17-kii sano ee la soo dhaafay.